Afghanistan: Usaama bin Laadin labaad miyaa ku dhashay Afghanistan?

Taliban forces patrol in Kabul, Afghanistan, August 16, 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Xoogagga Taalibaan ayaa dib ugu soo laabtay waddooyinka - balse dabeecaddooda ma baddali doonaan marka ay dowlad noqdaan?

Dhulka miyiga ah ee buuraleyda gobolka Kunar ee dalka Afghanistan iyo baraha bulshada ee ay ku xiriiraan kooxaha jihaad doonka ahba waxaa ka jira dareen farxadeed oo weyn oo ku saabsan wax ay Al-Qaacidda ku tilmaantay "guul taariikhi ah" oo ay gaareen Taalibaan.

Go'aanka bahdilka ahaa ee ay ku baxeen ciidamadii sida ku meel gaarka ah 20 sano ka hor Taalibaan iyo Al-Qaacida uga saaray Afghanistan ayaa haddana dhiirrigelin weyn u noqday kooxaha jihaad doonka ah ee kasoo hor jeeda reer Galbeedka.

Meelaha la aaminsan yahay inay ku dhuumanayaan kooxaha argagixisada ah ayaa hadda albaabbada loo furi karaa maadaama aysan waddanka ka jirin dowlad. Gaar ahaan waxaa cabsi weyn laga qabaa inay arrintan ka faa'iideysato kooxda IS oo raadienysa saldhig cusub kaddib markii looga soo adkaaday dalalkii ay dowladda Islaamiga ah uga dhawaaqeen ee Suuriya iyo Ciraaq.

Sidoo kale saraakiisha militariga ee reer galbeedka ayaa ka digaya in haddii ay Al-Qaacida ku laabato Afghanistan ay noqon karto koox aan awooddeeda "waxba laga qaban karin".

Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo kulan deg deg ah ka hadlayay ayaa soo saaray digniin culus, waxaana uu sheegay in dalalka reer galbeedka looga baahan yahay sidii ay ugu midoobi lahaayeen in Afghanistan laga ilaaliyo inay noqoto hoyga koxaha argagixisada.

Maalintii Isniintana, Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay "uu wax walba u adeegsado sidii looga hortagi lahaa in argagixisada caalamka ay ku xoogeystaan Afghanistan".

Balse soo noqoshada xukunka Taalibaan ma wuxuu si toos ah ula micno yahay in lasoo celinayo saldhigyadii Al-Qaacida ee laga abaabuli jiray weerarrada argagixiso ee caalamiga ah ee lagu bartilmaameedsado waddamada reer galbeedka iyo kuwo kale?

Jawaabtu waa maya, khasab ma aha taas?

Sharci noqoshada iyo aqoonsi raadiska

Markii ugu dambeysay ee Taalibaan ay dowlad ka dhiseen Afghanistan, oo ah intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, wuxuu wadanka ahaa mid aan aoonsi heysanin.

Saddex waddan oo kaliya, oo ka ahaa Sacuudiga, Pakistan iyo Imaaraadka Carabta ayaa aqoonsanaa sharci ahaanshahooda.

Taalibaan waxay markaas gacan bir ah ku maamulayeen shacabkooda, waxayna marti galiyeen Usaama Bin Laadin iyo kooxdiisa Al-Qaacida, oo abaabushay weerarradii 9/11 ee mareykanka laga fuliyay sanadkii 2001, kuwaasoo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux.

Qiyaastii 20,000 oo dagaalyahan oo ka kala timid caalamka ayay Al-Qaacidda tababar ugu sameysay xeryo ku yaalla Afghanistan, iyagoo baray xirfado kala duwan, iyagoo halkaas ku abuuray waxa loo yaqaanno "argagixisada caalamiga ah" maadaama ay dib ugu laabteen dalalkii ay markii hore ka kala imaadeen.

Maanta Taalibaan waxay wali isu arkaan xukunka saxda ah ee Afghanistan mudan - xitaa haddii aan la dooranin - waxayna isku agacaabaan "boqortooyada Islaamiga ah ee Afghanistan", sidaasoo ay tahayna waxay doonayaan aqoonsi caalami ah.

Durbaba waxay u muuqdaan inay wataan fikrad ay amarka iyo xasiloonida ugu soo celinayaan waddanka, kaddib 20 sano oo uu ka jiray musuqmaasuq hareeyay dowladda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii ay magaalada Dooxa ka socdeen wadahadalladii nabadeed ee guul darreystay, waxaa wakiillada Taalibaan loo caddeeyay in aqoonsiga ay rabaan ay heli karaan oo kaliya haddii ay si buuxda isaga fogeeyaan kooxda al-Qaacida.

Madaxda Taalibaan waxay sheegeen in ay horayba u kala dhammaadeen iyaga iyo al-Qaacida. Balse warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in ay wali wadashaqeyn leeyihiin labada kooxood oo aad isugu dhow qabiil ahaan iyo xidid ahaanba.

Xilligii uu socday dagaalkii layaabka lahaa ee ay Taalibaan dib ugu qabsaneysay waddanka, waxaa lasoo tabiyay in ay taliyeyaashooda ciidanka ka dhex muuqdeen dad "ajaanib" ah iyo in ciidamadooda ay ku jireen dagaalyahanno aan u dhalanin Afghanistan.

Waxaa sidoo kale cad inay kala duwan yihiin hadallada kasoo baxaya madaxda Taalibaan iyo saraakiishooda safka hore iyo falalka aargoosiga ah ee hadda dagaalyahannadooda qaar ay ka geysanayaan waddankaas.

12-kii bishan August, Taalibaan waxay wali kusoo siqeysay magaalada caasimadda ah iyadoo ay socdeen wadaxaajoodyada nabadeed ee Dooxa.

Reer galbeedka waxay ku dhibtoon karaan inay xakameeyaan kooxaha jihaad doonka ah

Taalibaan waxay diiradda saari doontaa sidii ay u xukumi lahayd Afghanistan, iyagoo sheegay inay si buuxda u dhaqan galin doonaan Shareecada Islaamiga ah, xuduudahoodana aysan dhaafi doonin.

Balse kooxaha kale ee ay ka mid ihiin al-Qaacida iyo IS waxaa laga yaabaa inay yeeshaan ujeeddooyin kale oo ku wajahan meelo ka baxsan xuduudaha Afghanistan. Waxaa suuragal ah in dowladda cusub ee Taalibaan ay diyaar u tahay soo dhaweyntooda, haddii aysan taas dhicinna waxay kooxahaas heli karaan meelo ay uga dhiintaan waddanka iyagoo aan la fahansaneyn.

Dr Sajjan Gohel oo ka tirsan hay'adda Asia Pacific Foundation ayaa sheegay inuu filayo inay sii kordhaan tirada dagaalyahannada al-Qaacida ee ku sugan Afghanistan oo hadda lagu qiyaaso 200 ilaa 500. Dhammaantood waxaa la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin gobolka Kunar.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Al-Qaacida oo uu hoggaaminayay Usaama Bin Laadin ayaa weerarkii 9/11 kasoo abaabushay gudaha Afghanistan

"Qabsashada Taalibaan ee gobolka Kunar waxay ahayd istiraatiijiyad weyn oo qiimo leh, maadaama ay qaar ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ka heystaan sidii ay u xakameyn lahayd kooxha ku jira dhulka godadka ah. Durbadada al-Qaacida oo halkaas sii joogtay ayaa isku dayi doonta inay isku fidiso," ayuu yidhi.

Haddii ay taasi dhacdo, markaas waxaa dalalka reer galbeedka sidii ay u maleynayeen si ka weyn ugu adkaan doonta inay xakameeyaan kooxdaas.

20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu tiirsanaa howlaha ay sirdoonka Afghanistan ka hayeen aaggaas, kuwaasoo tallaabooyinka u sahli jiray ciidamada Mareykanka iyo kuwa UK ee ku sugnaa Afghanistan.

Dhammaan waxyaabahaas hadda ma jiraan, waxay Afghanistan noqoneysaa "meel ay adag tahay in tallaabo laga qaado" marka la eego dhinaca sirdoonka.

Haddii la ogaado meelaha ay ku yaallaan xeryaha tababarka ee kooxaha argagixisada, xukuumadda Washington waxaa u furnaan doonto hal waddo oo ah inay duqeymo u adeegsato diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, sida kuwii lagu sigay Usaama Bin Laadin sanadkii 1998-kii.

Wax badan waxay ku xirnaan doonaan in dowladda Pakistan ay dhankeeda ka oggolaato in diyaaradaha dalalka shisheeyaha ah ay hawadeeda u adeegsadaan si ay u bartilmaameedsadaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Afghanistan, sida uu sheegay Dr Gohel.