Afghanistan: Hadallada xaqiiqo aan ahayn ee Biden uu ka sheegay Afghanistan

President Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khudbaddii uu Isniintii jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, waxa uu ku sheegay hadallo dhowr ah oo uu ku cabirayay waxa uu ka aaminsan yahay siyaasadda Mareykanka ee Afghanistan iyo sababaha keenay go'aankii uu ciidamada uga soo saaray waddankaas.

BBC-da ayaa xaqiiqo raadin ku sameysay qaar ka mid ah waxyaabihii uu Biden ku sheegay khudbaddiisa, waxaana la barbar dhigay hadallo hore oo uu ka jeediyay arrimaha Afghanistan iyo sida ay xaaladdu ahayd.

1- "Howlgalkeenna Afghanistan waligiis looguma talogalin inuu noqdo dowlad dhisid"

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambeysay tallaabadii uu Mareykanka ku galay Afghanistan ay "waligeedba ahayd sidii looga hortagi lahaa weerarrada argagixisada ee ku wajahnaa dalka Mareykanka," iyo "in aan marna loogu talo galin in ay qeyb ka noqoto howl la xiriirta sameynta dimuraaddiyad mideysan oo ka hirgasha dalkaas".

Hadalkaas waxa uu si cad uga hor imaanayaa mowqifkii uu horay Joe Biden uga taagnaa ujeeddooyinka Mareykanka ee dalka Afghanistan.

Markii la billaabayay weerarkii uu Mareykanka dalkaas ku qaaday 2001-dii, xilligaas oo uu Biden ahaa xubin ka tirsan Aqalka Sare, waxa uu ka hadlay ujeeddada mustaqbalka ee ka dambeysay faragalinta militari ee Mareykanka, isagoo yiri: "Rajadeennu waa in aan arki doonno dowlad xasiloon oo laga dhiso Afghanistan, taas oo ay wehlin doonto in mustaqbalka dib u dhis lagu sameeyo waddanka."

Mar kalena, sannadkii 2003-dii - hadal kale oo uu soo xigtay bogga Politico - ayuu Biden ku yiri: "Waxa lagu baddali karo qaran dhisid waa qalalaase, qalalaase ay ka faa'ideysanayaan dagaal oogeyaasha dhiigga u ooman, kuwa daroogada sharci darrada ah ka ganacsada iyo argagixisada".

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Mareykanka oo dhoolatus militari la sameynaya militariga Afghanistan

2- "Waan ogahay in uu jiro walwal laga qabo sababta aan durba u daad gureyn weynay muwaadiniinta Afghanistan. Jawaabta qeyb ka mid ah waa in dadka reer Afghanistan qaarkood aysan dooneynin inay mar hore baxaan, iyagoo wali rajo ka qabay dalkooda."

In Taalibaan ay si degdeg ah kula wareegtay dalka oo dhan wuxuu dad badan oo u dhashay Afghanistan ku noqday mid lama filaan ah, mana aysan helin wakhti ku filan oo ay ku qorsheystaan ka bixitaanka waddanka.

Balse, waxaa jiray dalab badan oo loo dirsanayay waaxda bixisa dal ku galka Mareykanka, waxaana codsiyada dirsanayay dadka reer Afghanistan ee khatarta wajahayay, howshaasina waxay ahayd mid dib u dhac keentay.

Waxaa jiray qiyaastii 18,000 oo qof oo dal ku galka codsaday, tiradaasna waxaa wehliyay kumannaan kale oo qoysaskooda ah.

Ku dhawaad kala-bar ka mid ah dadkaas, waxay codsi dhammeystiran u dirsadeen madaxa safaaradda Mareykanka ee Afghanistan, inta kalena wali waxay sugayaan in ay diraan dhammaan warqadaha looga baahan yahay.

"Dadka u dhashay Afghanistan ee dalabka fiisaha dhameystiran dirsaday qaarkood waxaa laga yaabaa in ay muddo saddex sano ama ka badan ah ku qaadato in ay gaaraan Mareykanka," ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay'adda caalamiga ah ee badbaadada.

Biden waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in ilaa hadda 2,000 oo reer Afghanistan ah iyo qoysaskooda oo u qalmay in ay helaan dal ku galka khaaska ah, la geeyay Mareykanka, kuwo kalena la qorsheynayo.

Iyadoo laga jawaabayo baahida jirta, Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay hindise sharciyeed lagu kordhinayo tirada dal ku galka ee la oggol yahay, oo la gaarsiiyay ilaa 8,000, sidoo kalena waxaa la ballaariyay barnaamijka qaabilitaanka iyo dib u dajinta qaxootiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Afghanistan waxay si weyn ugu tiirsanaayeen turjubaannada Afghanistan iyo shaqaale kale oo caawinayay

3- "Hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee Afghanistan way quusteen wayna ka carareen waddankooda"

Madaxweyne Ashraf Ghani iyo shakhsiyaadkii u dhawaa way ka tageen Afghanistan markii ay Taalibaan ku wajahnaayeen Kabul, inkastoo marar badan ay wacad ku mareen in ay sii joogi doonaan.

Laakiin hoggaamiyeyaashii kale ee siyaasadda way ku sugan yihiin waddanka, waxayna hadallo ka jeediyeen fagaareyaal iyagoo muujinaya joogitaankooda.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan, Hamid Karzai, oo xilka hayay intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2014, waxa uu ka soo muuqday muuqaal laga arkayay isaga iyo gabdhihiisa, wuxuuna ku sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Kabul, isagoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Taalibaan ku boorriyay in ay difaacaan dadka rayidka ah.

Karzai waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee ku sugan dalka ay ka shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa xal nabadeed, dadkana waxa uu ka codsaday in ay dulqaad muujiyaan.

Madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee Afghanistan, Amrullah Saleh, ayaa sidoo kale ku sugan waddanka, waxaana wehliya hoggaamiyeyaal kale oo uu ka mid yahay Axmad Massoud, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii militariga ee ka soo horjeeday midowgii Soviet-ka, Axmad Shah Massoud, oo ahaan jiray siyaasi.

Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Yalda Xakim ayaa shaaca ka qaadday in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku sugan Afghanistan ay hadda sameynayaan isbahaysi ka dhan ah Taalibaan.

"Militarigii Afghanistan wuu burburay, mana uusan isku dayin inuu dagaallamo"

Waa run in militariga Afghanistan ay ku burburreen isbuucyadii ugu dambeeyay ee uu dagaalka lama filaanka ah socday.

Hase yeeshee, sababtaas waxay ku timid go'aankii aan lasii qorsheynin ee ciidamada huwanta ay uga baxeen dalka.

Markii uu madaxweyne Biden ku dhawaaqay inuu ciidamada Mareykanka ka soo saarayo Afghanistan, bishii April, siddeed kun oo ciidamada xulafadiisa ahaa iyo siddeed iyo toban kun oo qandaraasleyaasha ka caawinayay istiraatiijiyadda ahaa, ayaa ka tagay Afghanistan.

Militariga Afghanistan waxay 20-kii sano ee la soo dhaafay si buuxda ugu tiirsanaayeen qandaraasleyaashaas iyo tababarro la siinayay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhaqaalaha ku baxayay ciidamada Afghanistan uu ahaa mid aan dhaafsiisneyn warqado kaliya balse xaqiiqdu ay sidaas ka duwaneyd, waxaana arrintaas sababteeda lagu sheegay musuqmaasuq baahsan ee ka jiray dalkaas.

Ku dhawaad 70,000 oo isugu jiray militariga iyo booliska Afghanistan ayaa lagu dilay dagaalkii ay kula jireen xoogagga Taalibaan, 20-kii sano ee la soo dhaafay gudahooda.