Tacadiga haweenka Hindiya: "Xildhibaan ayaa kufsaday, markii ay caddaalad weyday ayay is gubtay"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabadhan ayaa soo jiidatay dareenka dadka Hindiya
Gabadh Hindiya u dhalatay ayaa geeriyootay ka dib markii ay dab is qabadsiisay, iyadoo ka cabaneysa sida loola dhaqmay ka dib markii xubin ka tirsan baarlamaanka ay ku dacweysay inuu kufsaday.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa mar kale toosh ku ifisay kufsiga iyo sida loola dhaqmo haweenka Hindiya.
Gabadhan oo 24 sano jir ahayd ayaa toddobaadkii la soo dhaafay is gubtay kaddib markii ay ka hadashay sida ay booliiska iyo waaxda caddaaladda u maareeyeen kiiska xildhibaanka ay ku eedeysay inuu kufsaday.
Gabadhan iyo saaxiibkeed ayaa toddobaadkii hore barta Facebook toos oo ugu baahiyay dhacdada oo ahayd in ay gaas isku shubeen ka dibna is gubeen, labadoodaba.
Gabadha iyo saaxiibkeed ayaa isbitaal loola cararay maadaama gubasho aad u daran ay qabeen, saaxiibkeed ayaana geeriyooday Sabtidii, halka ay gabadha geeriyootay Talaadadii.
Waxay ka soo safreen gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh, iyagoo tegay magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaas oo ay isku gubeen, bannaanka maxkamadda ugu sarreysa dalkaas, waxayna naxdin ku abuurtay bulshada dalkaas.
Gabadhan ayaa Atul Rai, oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya, xubinna ka ah xisbiga Bhujan Samaj, inuu ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla Varanasi. Markaa ka dib, sannadkii 2019 ayay booliiska ku dacweysay.
Booliiska ayaa bil ka dib xiray Ray, balse wuu beeniyay dhammaan eedeymaha. Wuxuu xirnaa labadii sano ee la soo dhaafay.
Xildhibaanka walaalkii ayaa dhammaadkii sannadkii hore dacwad ka gudbiyay gabadha, isagoo ku eedeynaya khiyaano, balse way beenisay. Si kastaba, maxkamadda ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo.
Muuqaalka ay soo dhigtay barta Facebook, ayaa waxay ku eedeysay in xildhibaanka baarlamaanka ka tirsan uu awood u adeegsaday, waxayna iyada iyo saaxiibkeed magacaabeen dhowr qof oo booliiska ka tirsan iyo garsooraha, kuwaas oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Ray.
"Waxaynu gaarnay halkii ay nala doonayeen, muddo sanad iyo bar ah ayay si adag uga shaqeeyeen in ay heerkan na gaarsiiyaan," ayay tiri gabadha.
"Maamulka ayaa nagu qasbayay in aan is dilno, tan iyo November 2020, waxaana dooneynaa in dhammaan dadka Uttar Pradesh iyo Hindiya ay warkan maqlaan," ayuu saaxiibkeed intaas raaciyay.
Daqiiqado kahor, isaga iyo gabadha ayaa dab is qabadsiiyay, wuuxuna yiri, "Tallaabadan aan hadda qaadeyno waa mid xanuun badan, argagax leh, waana amakaagsannahay, balse wax micno ah ma lahan."
Xigashada Sawirka, ABHISHEK MATHUR/BBC
Qoys Hindi ah oo gurigooda ku sugan
Maamulka gobolka ayaa xiray labo sarkaal oo booliiska ka tirsan, waxayna baaritaan ku bilaabeen arrinta.
Hindiya waxaa ka jiray kufsi iyo tacaddiyo haweenka loo geysanayay tan iyo sannadkii 2012, markaas oo gabadh 23 sano jir ah ay lix burcad ah ku dhex kufsadeen gaari dadweyne, gudaha caasimadda Delhi, maalmo kaddibna waxay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray oo looga daweynayay isbitaalka.
Dhacdadan ayaa caro ka abuurtay dunida, taas oo Hindiya ku qasabtay in ay la timaaddo shuruuc adag oo ka dhan ah kufsiga iyo tacaddiyada, maxkamadda ayaana dil ku xukuntay shan ka mid ahaa eedeysanayaasha, sannadkii la soo dhaafayna afar ka mid ah ayaa xukunka lagu fuliyay.
Marka dhacdadan laga soo tago, heer kufsiga iyo dembiyada kale ee jinsiga ee dalkaasi hoos uma aysan dhicin, iyadoo dowladda ay diwaan gelisay ilaa 34,000 oo kiis oo kufsi ah, sannadkii 2018, ta soo la micno ah in 15-kii daqiiqaba uu kufsi dhaco.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale sheegay in qofka la soo dacweeyo haddii uu saameyn leeyahay, magac amaba lacag ay taasi la micno tahay in dhibbanaha uu guul darreysanayo.
Ma jirto meel kale oo Hindiya ka tirsan oo kiisaska ay ka badan yihiin oo la mid ah Uttar Pradesh.
Geerida gabadha iyo saaxiibkeed ma ahan midkii ugu horreeyay ee sidan loo sameeyay.
Gabadh kale ayaa isku dayday inay is gubto sannadkii 2018, sababo la xiriira booliiska oo ku guul darreystay in ay shaqadooda qabsadaan, ka dib kufsi ay ku eedeysay inuu u geystay Kuldeep Singer, oo ka tirsan baarlamaanka, xubinna ka ah xisbiga Bharatiya Janata.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Haween ka bannaan baxaya kufsiga
Singer ayaa dhowr bilood shaqada iska sii watay kaddib dacwada lagu oogay, isagoo adeegsanaya saameynta uu ku leeyahay deegaanka, waxaa ka dib la xiray aabbaha gabadha oo xabsi ku geeriyooday.
Dowladaha gobollada ayaa cabashada gabadha u gudbiyay maxkamadda ka dib markii ay is gubtay, sannadkii 2019, maxakamad ku taalla Delhi, ayaa Singer ku eedeysay kufsi waxayna ku xukuntay xabsi daa'im.
Dhacdo kalena, gabar ayaa is gubtay xilli ay dooneysay in ay dacwad ka gudbiso nin ay sheegtay in uu kufsaday, xaddiga gubashada jirkeeda ayaa gaaray 90%, saddex maalmood ka dibna isbitaalka ayay ku geeriyootay.
Gobolka Uttar Pradesh ayaa sannadkii hore lagu cambaareeyay sida uu u maarreeyay kufsiga iyo dilka gabar 19 sano jir ahayd oo ay gobolkaasi ku dileen afar nin oo hantiile ah.
Dhacdadan ayaa caro ka abuurtay caalamka, gaar ahaan markii qoyskeeda ay sheegeen in maamulka gobolka uu gubay meydka gabadha iyaga oo aan fasax ka heysan.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in haddii ay Hindiya daacad ka tahay la dagaallanka dembiyada kufsiga, ay ku qasban tahay inay ciqaabto dembiilayaasha, iyadoo aan la eegeyn saameynta ay dembiilayaasha leeyihiin iyo qoysaska ay ka soo jeedaan.