Muxuu yahay masaajidka ay Hindiya dumisay Pakistaanna ay ka carootay?

Burburka Masaajidka Bilal ee ku yaalla Haryana

Xigashada Sawirka, Siraj

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay burburinta lagula kacaya masaajidka Bilaal Haryana ee ku yillay xaafadda Aravalli ee magaalada Faridabad.

Pakistan burburka "Masaajidka Bilaal" loo geystay waxay ku tilmaantay xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan muslimiinta.

Aafhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Asim Iftikhar Ahmed bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray " Pakistan iney si kulul u cambaareyneyso burburinta uu maamulka Hindiya ee Haryaana uu u geystay masaajidka Bilaal."

Farriinta eedda uu afhayeenku Twitter-kiisa soo dhigay wuxuu ku sheegay "Doorki garsoorka uu lahaa iney wiiqantay inta uu hoggaanka dalka Hindiya qabtay xisbiga BJP-RSS."

Wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay iney dhinac uga soo wadajeesato xadgudubka ay u geysato xuquuqda ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaanna Muslimiinta.

Dowladda Hindiya inkasta oo eedda uga timid afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ay ka jawaabin haddana shacabka ayaa siyaabo kala duwan farriinta Twiiter-ka uu Axmed uu soo dhigay uga falceliyey.

Maxaa arrintan keenay?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa dowladda Hindiya ku eedeysay masaajidka lagu dumiyey Feridabad, ee la sheegay inuu si sharci darra ah uu uga dhisnaa tuulada Khodi ee deegaanka Aravalli.

Masaajidka Bilaal dowladda hoose ee magaaladaasi waxay dumisay 17-kii August.

Yashpal Yadav oo dowladda hoose ee Fariddbad ka tirsan oo BBC u warramay wuxuu sheegay iney masaajidka ku dumiyeen amar maxkamadda sare ka soo baxay masaajidka kelina ay dumine ay dumiyeen gooba kale oo lagu cibaadeysto.

Xigashada Sawirka, Siraj

"Inta aan goobaha lagu cibaadeysto uu ka midka yahay msaajidka la dumininna shacabka digniino ayaa la gaarsiiyey" ayuu yiri.

Dadka deegaanku maxay ka yirahdeen?

Siraj Axmed wuxuu sheegay masaajidka xilliga la dumiyey iney taariikhdu ku beegneyd 17-ka bisha August. Wuxuuna sheegay in xilligaa isagana guri uu lahaa laga dumiyey oo uu haatana guri kira ah uu ku nool yahay.

Kailash Gathwal oo isaguna ka mid ah dadka magaaladan ku nool wuxuu sheegay maamulka dowladda hoose iney dumiyeen tobaneyo macbad, 6 masaajid iyo kaniisad.

"Arrintan haba yaraatee diin wax xiriir ah lama laha mana ah in lala xiriiriyo waxaana taa caddeyn ugu filan waxaa la dumiyey macbadyo kala duwan oo ay diimo kala duwan leeyihiin waxa loo dumiyeyna waxay tahay dhismayaashaasi oo goobo sharci darra ah ku yaallay tallaabbo sharci ahna laga qaaday." ayuu yiri Kailash.

Xigashada Sawirka, Siraj

Tallaabbo noocee la qaaday?

Maamulka dowladda hoose ee Faridabad waxay sheegeen iyaga oo ka duulayo rusqo maxkamadeed oo ay haysteen iney dumiyeen in ka badan 6,500 oo guri oo si sharci darra ah looga dhisay agagaaraha xaafadda Aravalli.

Howlaha burburinta dhismayaasha sharci darrada ahna dowladda hoose ee Faridabad waxay ku soo gabagabeysay 32 maalmood.

Khilaafka Pakistan iyo Hindiya u dhaxeeya mid soo jireen ah oo in mudda ah soo taagnaa haddana arrintan haba yaraatee diin wax xirii ah lama laha.

Balse arrinta Masajidka Bilaal iyo masaajidda kale ee ay burburisay dowladda hoose ee Faridabad oo ay Pakistan ka carootay wax naceyb ama faquuq diineed oo diin gaar ah loola danleeyahay iney ahayn ayay ku adkeysanayaan laamaha dowliga ah ee dalkaasi Hindiya gaar ahaanna kuwa gobolka Haryana.