Afghanistan: Weerarka garoonka Kabul: Maxaan ka ognahay illaa iyo hadda?

Medical and hospital staff bring an injured man on a stretcher for treatment

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labada qarax ee lala eegtay garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxay dheceen xilli dad badan ay isku deyayeen in ay galaan eelaboorka si ay uga qaxaan Afghanistan ay maamulayaan Taliban.

Ugu yaraan 90 qof ayaa ku dhimatay, 150 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay BBC u sheegeen saraakiisha sare ee caafimaadka.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon, waxay xaqiijisay in 13 askeri ay ka mid yihiin dadka ku dhintay weerarka.

Qaraxyada waxay dheceen saacado ka dib markii la soo saaray in ay jirto halis ah weerarro qorsheysan oo ka dhici kara garoonka. Waxaana markaa dadka loogu baaqay in ay ka fogaadaan meelaha saxmadda leh.

Halista waxay ka imaaneysay kooxda la baxday IS-K, oo ah garabka ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee Afghanistan.

Halkan ka akhriso waxa laga og yahay illaa iyo hadda.

Qaraxyada waxay ka dheceen bannaanka Garoonka

Qaraxa koobaad wuxuu dhacay qiyaastii 6:00 maqribnimo ee Afghanistan (13:30 GMT), wuxuuna u dhowaa Hoteelka Baron, oo ku dhow gidaarka garoonka.

Waxaa haoteelkaas adeegsanayay saraakiisha Britain ee hannaanka u fududeynayay dadka Afghanistan ee doonaya in ay u safraan UK.

Waxaa qarixii hore daba socday is rasaaseyn xoogan, ka dib ayuu dhacay qarax labaad oo lala eegtay albaabka Abbey Gate ee ah midka ugu wayn ee garoonka laga galo.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow dhuun qaada biyaha wasakhda ah, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Afghanistan u dhashay oo sugayay in hannaanka safarka loo fududeeyo. Qaar ka mid ah dhibbaneyaasha waxay ku dhex dheceen biyaha.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mid ah kooxda weerarka qaaday in uu xirnaa jaaked qaraxda.

Ciidamada dheeraad ah oo ka socday Mareykanka iyo Britain ayaa dhowaan loo daadgureeyay halkaas si ay u ilaaliyaan albaabka Abbey Gate.

Qof ka mid ah dadkii meesha ku sugnaa wuxuu sheegay in mid ka mid ah dableyda uu rasaas ku furay dad badan oo hal meel ku wada sugnaa. Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in askarta Taliban ay rasaas u ridayeen hawada.

Dadkii u dhashay Mareykanka ee tagay meesha qaraxyada ay ka dheceen, ayaa loo sheegay "in koobta ay si degdeg ah uga baxaan" waxyar ka hor weerarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Askarta Britain ee ilaalinayay bannaanka dhismaha hoteelka Baron ee qaraxa koobaad uu ka dhacay

Qasaaraha ka dhashay weerarka

Tirada qasaaraha ayaa sare u sii keceysa.

Sidaa darteed tirada ugu dambeysa ee qasaaraha soo gaaray Mareykanka iyo dadka Afghanistan weli lama shaacinin.

Balse, Waaxda Difaaca Mareykanka Pentagon waxay sheegtay in 13 askeri ay kaga dhinteen, 15 kalena ay dhaawacmeen. Sarkaal sare oo ka tirsan waxaad caafimaadka ee Kabul ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 90 qof ay dhinteen 150 kalena ay dhaawacmeen.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad dhaawac ah oo kuraasta dadka naafadaha ah lagu riixayay.

Dad aad u badan ayaa ku sugnaa nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyagoo filaya in laga saaro dalka Afghanistan oo dhowaan ay qabsadeen Taliban.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Qiiqa qaraxa waxaa laga arki karay meelo ka baxsan karoonka.

Dalalka qaar oo soo afjaray daadgureynta dadka

Weerarka wuxuu jahwareer ku abuuray howlaha daadgureynta kumannaanka qof ee ka cararaya Afghanistan.

Wax yar ka hor weerarka, dalalka qaar sida Jarmalka, Netherlands iyo Canada, waxay ku dhawaaqeen in aysan diyaarado kale u direynin Kabul.

Sidoo kale, Turkiga oo askartiisa ay Garoonka Kabul ilaalinayeen muddo 6 sano ah, ayaa shaaciyay in ciidankiisa uu kala baxayo halkaas.