Dagaalyahankii baaskiilka jaban watay ee helay gaari casri ah iyo kayd hub ah

काबुल

Xigashada Sawirka, Reuters

Degganaan aan caadi ahayn ayaa laga dareemayaa waddooyinka Kabul. Waxay u muuqataa in boqolkiiba 70 ay gawaarida magaalada hal mar ka baxeen.

Sidoo kale degannaan ayaa ka muuqata garoomada, balse shaqaalaha diyaaradda Qadar ayaa halkan yimid si ay uga howl galaan.

Sarkaal shirkaddaas ka tirsan ayaa yiri "waxaan ka fekereynaa inaan dib u howlgelinno garoonka sida ugu dhaqsiyaha badan, maalmo yar gudahood. Waxaan marka hore tijaabin doonnaa labo duullimaad kaddibna waxaan billaabi doonnaa duullimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda."

Balse xaqiiqdii cidna is weydiin meyso muddada ay qaadan doonto in la dhiso dowladda Afghanistan ka dhaqan gasha.

Wareysi uu weriye BBC-da ka tirsan la yeeshay xubin ka tirsan Taliban ayaa wuxuu ka sheekeeyay noloshiisa.

Weriyaha ayaa leh: Waxay dhacday xilli aanu ka cunteyneynay hoteel, si deg deg ah xubin ka tirsan Taliban ayaa soo jiitay kursi bannaan oo horteenna yaallay wuuna ku fadhiistay. Da'diisu waxay ahayd qiyaastii 25 sano.

Isagoo sii fadhiisanaya ayuu na weydiiyay, "Halkan raalli maku tihiin? Wax dhib ah malaha."

Aniga iyo saaxiibbadey waxaan ugu jawaabnay, "Haa, wax walba way wanaagsan yihiin." Wuu sii watay hadalka, "Waxaan keliya halkan u nimid inaan kuu adeegno, dagaalkeennu wuu dhammaaday haddana nabad ayaa hirgashay."

Isagoo is kaaya baraya ayaa wuxu sheegay inuu ka tirsanaa 'Ciidamada Kumaandooska' kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen koox adeegyada gaarka ah u qaabilsan Taliban. Waxaa la sheegay in ciidamadan ay joogaan meel walba oo dalkaasi ka tirsan ilaa garoonka isla markaana la siiyay tababarka ugu wanaagsan.

Xigashada Sawirka, Reuters

Is dhexgal weji ka weji ah oo markii ugu horreysay lala yeeshay xubin ka tirsan Taliban

Waxaan caadi ahaan Taliban kula kulannaa hoteel amaba bannaanka garoonka ama marka shaqo loo socdo magaalada dhexdeeda, balse waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan meel deggan si weji ka weji ah ula fadhiisanno.

Markii ninkaas Taliban ka tirsan uu naga wareystay xaalkeenna iyo halka aan ka nimid, waxa aan qabanno iyo wixii la mid ah., waxaan annaguna weydiinnay su'aalo.

Halkee ayaad ka timid, muddo intee ah ayaad dagaal ku jirtay? Wuxuu kaga jawaabay "Waxaan ahay 25 jir waxaana Afghanistan joogay muddo 11 sano ah. Waxaan ku dhashay Pakistan halkaas ayaana dugsi Qur'aan ka dhigtay. "

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Afghanistan aysan dagaalka ka marneyn. "Aad ayay u dagaallameen. Balse waxay kaddib ina tuseen sawirro iyo muuqaallo ku saabsan askar isa soo dhiibeysa waxayna inoo sheegeen sida kaddib markii uu is soo dhiibay barasaabka, ay ciidamada Afghanistan ay iyagana isku dhiibeen.

Xigashada Sawirka, Reuters

'Dagaalku wuu qaboobay marka ay joogsadeen duqeymaha cirka ee Mareykanka'

Wuxuu intaas ku daray, "Qabsashadan aad arkeysaan si fudud kuma dhicin. Aad ayaan ula dagaalannay ciidamada Afghanistan, balse markii duqeymaha cirka ee Mareykanka ay joogsadeen, way inoo fududaatay inaan dhulka ka dagaalanno."

Wuxuu sheegay in ISIS ay taageero ka heysteen Mareykanka. Wuxuu yiri, "Mareykanka wuu ina weerari jiray, balse isla aaggaas markii ay ISIS nagula dagaallamaan, ma uusan qarxin jirin."

Markii aan weydiiyay deegaannada uu ka dagaallami jiray isla markaana uu ku noolaa 13-kii sano ee la soo dhaafay, sida ay noloshu ku ahayd, ayaa wuxuu ninkaasi noo sheegay inuu ku noolaa Kabul iyo magaalooyin kale oo uu isku qarin jiray. "Gar gaaban ayaan lahaa. Mararka qaar waxaanu ku noolaan jirnay masjid dhexdiisa mararka qaarna madraso dhexdeea."

Ninkan ayaa degganaan jiray gobolka Logar. Wuxuu ii sheegay in si daran loo dhaawacay shan jer isla markaana uu saddex jeer isku dayay inuu fuliyo weerarro is miidaamin ah oo uu ku qaado Ameerikaanka.

Dagaal yahankan Taliban ayaa sheegay inuu ku jiray liiska dadka ay doon dooneysay NDS (hay'addii hore ee sirdoonka Afghanistan) ee Logar. Kaddib qabsashadii Taliban ee Afghanistan, wuxuu sawirradiisa ku arkay xafiiska NDS.

Xigashada Sawirka, Reuters

'Lacag kuma qaadanno dagaalka'

Wuxuu inoo sheegay inuu sameyn karo jaakadaha la isku qarxiyo, miinooyinka qof gaar ah lagu beegsado, miinooyinka gawaarida lala beegsado, wax walba. Intii uu nala hadlayay si joogto ah ayuu inoo tusayay muuqaallo telefoonkiisa ku jira.

Wuxuu intaas ku daray, "Lacag kuma qaadanno inaan dagaalanno. Waxaan ka shaqeyn jiray beer liin macaan ay ka baxdo lacagta aan helana jihaadka ayaan ku bixin jiray."

Wuxuu sheegay inuu doonayay inuu aado Falastiin, xitaa haddii uu lug ku tegi karo. Wuxuu inoo sheegay in xitaa ay saacado lugeyn jireen haddii ay dhaawacmaan, isla markaana aysan sharooto ku heli jirin dhowr maalmood.

Wuxuu sheegay in Taliban ay hadda heleen hub cusub. "Waxaynu helnay hub aad u badan. Waxaynu helnay gawaari iyo taangiyo. Waxaa jira waxyaabo aad u badan oo aadan qiyaasi karin."

"Markii hore, haddii aan doonayo inaan weeraro bar koontarool, waxaan heystay baaskiil duug ah iyo qori duug ah oo nooca C-Kalashnikov ah. Balse hadda waxaan heystaa gaari, telefoon. Balse nafteyda uma isticmaalo."

Waxaan weydiiyay inuu xaas lahaa iyo in kale. Wuxuu ku jawaabay, "Markii hore qoyska si qarsoodi ah ayaan ugu tegi jirnay, balse hadda xubnaha qoyska iyaga ayaa ii doonaya xaas."