Ikraan Tahliil: Dhalinyarada loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil

.

Xigashada Sawirka, Social Media

Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo seddex dhalinyaro ah oo shalay galinkii dambe laga afduubtay xaafadda Howl-wadaag.

Afduubka dhalinyaradan ayaa lala xiriirinayaa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd sirdoonka Soomaaliya oo dawladdu sheegtay in Al-Shabaab ay dileen balse shabaabku iska diideen inay ku lug lahaayeen dilka gabadhaasi.

Waxaa la arkayay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada oo ragga wiilashoo afduubtay ay ku qiranayaan afduubkooda.

Dadka afduubka gaystay ayaa ku hayb ah Ikraan, halka kuwa la afduubay ay ku hayb yihiin agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Afduubka oo dhacay 3-da bishan kana dhacay magaalada Baladweyne odayaasha deegaanku waxay dadaal ugu jiraan sidi ay dhalinyarada reer ahaan loo afduubtay ay dadka afduubtay uga sii deyn lahaayeen.

"Dadkan waxaa afduubtay dhalinyaro tabanaaya dil iyo afduub la isugu daray gabar Ikraan Tahliil Faarax la yirahdo ehelkeedi dhalinyara ah ayaa afduubtay nimankaa" ayuu yri Suldaan Aadan Cusmaan Caalin oo kamid ah odayaasha ku hawlan sii daynta raggaas la afduubtay oo BBC u warramay.

Suldaanku waxaa kale uu sheegay dhacdadan inuu wakhtiga keenay gabadha xamar lagu afduubtay ee aan geeri iyo noolal midna lagu haynin walaalaheed, aabbaheed iyo ehelkeedina ay halkan deggan yihiin, nimanka lagu tuhmayo qabiilkoodana ay halka raggaasi lagu afduubtay ay deggan yihiin haddii wax cad la helin oo aan dadkaas la kala saarinna ay adkaan karto.

"Dad aan waxba galabsanin in la afduubto Soomaaliya ugub uma aha Hiiraanna ugub uma aha, annaga odayaashi waa fadhinnaa shalay marki la afduubay wiilashaas reer adoogood waa aragnay odayaashoodi waa aragnay anagaa ku maqan wax dhibaata ah ma qabaan waa idiin keeneynaa insha allahu dhalinyaradi ayaan ku maqan nahay aan dhahnay waana qanacsan yihiin waana ku tala jirnaa inaan keenno hadduu Alle idmo... sida ugu dhaqsaha badan waxaan rajeyneynaa inaan sida ugu dhaqsaha badan xurriyaddooda ku soo celinno insha allahu tacaalaa", ayuu yiri.

Waxayna odayaashu sheegeen iney dad aan waxba qalabsanin oo noolal maalmeedkooda raadsanayo oo aan joogin goobta loo maleynayo inuu dhibka ka dhacay in afduub lagula kaco aysan wax cusub ku ahayn Soomaaliya oo ay oo marar badan dhaceen.

"Meel kasta oo Soomaaliya ah wixi ka hallaabo qofki wax lag halleeyo ehelkiisa meeshiis joogo ayuu wax ka qabsadaa gabadhaa nabadsugid ayay ahayd xerada nabadsugiddaa laga waday muddo laba bilood iyo xoogaha ah ayey maqan tahay waxba looma qabsaneynin waxaa dhibaatadan keeney oo hawada soo galay gabadhan cidda hayso, ama dishay ama afduub u haysato wax allaale wixi hallaabay ilaahey ayagaas weydiinaa hadduu yirahdo" ayuu yiri Suldaan Aadan Cusmaan Caalin oo kamid ah odayaasha ku hawlan sii daynta raggaas la afduubtay oo BBC u warramay.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay'adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay'addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.