Kabul: Muddaharaad naadir ah oo lagaga soo horjeedo Taliban oo haweenku dhigeen

Women demonstrate for rights under the Taliban in Kabul, 4 September 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tobannaan haween ah oo isugu soo baxay caasimadda waddanka Afgaanistaan ee Kabul ayaa sheegay in Taabilaan ay la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa ayna ku buufiyeen basbaas.

Haweenka ayaa dalbanayay xuquuqda ah inay shaqeeyaan iyo in haweenka lagu daro dowladda Taalibaan. Waa dibadbaxii ugu dambeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Kabul iyo Herat.

Dhanka kale, madaxa hay'adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

Ila wareedyo ku sugan waddanka Pakistan ayaa sheegaya inuu jaranaalku halkaas u tagay inuu Taalibaan kala xaajoodo ammaanka iyo maamulka xadka.

Daalibaan ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan qaabka uu u dhisan yahay maamulkooda.

Taliban ayaa sheegtay in haweenku ay ku lug yeelan karaan dowladda, laakiin aysan qaban karin jagooyin wasiirnimo.

Dumar badan ayaa ka baqaya inay dib ugu soo noqdaan sidii loola dhaqmay markii Taalibaan ay hore xukunku haysay, intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001. Dumarka waxaa lagu qasbay inay wejigooda daboolaan kolka ay bannaanka u baxayaan, waxaana la marsiinayaa ciqaab adag xadgudubyada yaryar.

"Shan iyo labaatan sano ka hor, markii Taalibaanku yimaadeen, waxay iga hor istaageen inaan aado iskuul," wariye Azita Nazimi ayaa u sheegtay Tolo.

"Shan sano xukunkooda ka dib, 25 sano ayaan wax baranayey si adagna waan u shaqeeyay."

Soraya, oo qayb ka ahayd iyana bannaanbaxaas ayaa u sheegtay Reuters: "Waxay sidoo kale haween madaxa kaga dhufteen xagga danbe ee qoriga, iyaga qaarkood dhig baxeen."

Iska horimaadyada ayaa iyana ka sii socda dooxada Panjshir, oo ku taal woqooyiga Kabul, halkaas oo dagaalyahannada iska -caabbintu ay wiiqeen dadaalladii ay Taliban ku doonaysay inay xukunka kagala wareegto..

Laakiin waxaa jiray warar labada dhinacba ku andoocanayaan. Daalibaan waxay ku adkeysanayaan inay la wareegeen laba degmo oo kale waxayna u jiheysteen badhtamaha gobolka.

Afhayeen u hadlay Kooxda Resistance Front of Afghanistan (NRF) ayaa sheegay in dagaallo culus ay weli socdaan, kumanaan Taalibaan ahna la hareereeyay.

Dooxada Panjshir, oo ay ku noolyihiin inta u dhaxaysa 150,000 ilaa 200,000 oo qof, waxay ahayd xarun iska caabin markii Afgaanistaan ay gacanta ku haysay Soofiyeeti sanadihii sideetameeyadii iyo xilligii hore ee Talibanka.

Hogaamiyaha NRF, Ahmad Massoud, ayaa bogaadiyay mudaaharaadyada haweenka ee Herat, wuxuuna sheegay in Panjshir ay sii wadayso iska caabinta.

Midkoodna sheegashooyinka NRF ama Daalibaan si madaxbannaan looma xaqiijin karo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dooxada Panjshir ayaa weli si hor imaadkii ka socdaa

Calaamad kale oo muujineysa in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu dib u bilaabmayo dhaqdhaqaaqiisa ka dib bixitaankii Mareykanka toddobaadkii hore ayaa soo ifbaxday, kaddib markii shirkadda diyaaradaha ee Ariana ee Afgaanistaan ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii gudaha ee saddex magaalo: Herat, Mazar-i-Sharif iyo Kandahar.

TV-ga Al-Jazeera oo soo xiganaya safiirka Qatar ayaa sheegay in koox farsamo oo ka socota Qadar ay ku guuleysteen in dib loo furo garoonka si ay u soo gaadhaan dalka duulimaadyada gargaarka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Axadda u safraya Qadar. Wadanku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa dhexdhexaadinta Afgaanistaan, laakiin lama filayo inuu la kulmo qof ka tirsan Taliban.

Madaxa hay'adda sirdoonka Pakistan, ISI, General Faiz Hameed ayaa gaaray Kabul, laakiin waxba ma bixin markii suxufiyiintu su'aalo weydiiyeen.

Sarkaal ayaa u sheegay Reuters horaantii toddobaadkan inuu ka caawin karo Daalibaan inay dib -u -habayn ku sameeyaan ciidamada Afghanistan.

ISI ayaa quwadaha reer galbeedku ku eedeeyeen inay taageerto Taliban, arrintaas oo ay Pakistan beenisay