Jasiiradda haddii uusan ninka aqoon sida wax loo tolo uusan xaas heleyn

.

Xigashada Sawirka, HADYNYAH / GETTY IMAGES

Shantii boqol ee sano ee la soo dhaafay, ragga ku nool jasiirad yar oo ku taal Peru waxay isku dayayeen inay soo jiitaan saaxiibadood iyagoo xiran koofiyadaha Andes ee la qurxiyey.

Jasiiradda yar ee Taquile ee Peru, ninka sumcadiisa waxaa lagu cabbiraa, ma ahan kartida ugaarsiga ama kalluumeysiga, ee waa kartidiisa wax tolidda.

Takil waa jasiirad ay ku nool yihiin 1,300 oo ku nool dhinaca Peru ee harada Titicasa. Waxay loo socdaa saddex saacadood iyadoo la isticmaalayo dooni laga soo raaco magaalada Puno.

Alejandro Flores Huetta wuxuu ku dhashay jasiiradda. Markii uu yaraa waxa uu bartay sida loo tolo koofiyadaha kala duwan ee 'chullo'. Walaalkii ka weynaa iyo awoowgiis ayaa baray sida loo tolo koofiyadahaan iyadoo sida cirbadaha loo isticmaalayo qodxanta geedka la yirahdo Nivdunga.

"Dadka badankiisu waxay wax ku bartaan daawashada. Aabbe ma aanan lahayn, sidaa darteed walaalkay iga weyn (iyo awoowe) ayaa i baray sida loo tolo," Ayuu yiri Kechwu

Xigashada Sawirka, ROMEL VELASQUEZ

Tequila waxay caan ku tahay warshadaha dharka . Dumarku waxa ay xanaaneyaan idaha la isticmaalo dhogortooda, halka koofiyadaha caanka ah ay sameeyaan ragga oo keliya. Koofiyadaha Chullo waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqanka deegaanka waxayna sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraan qaab -dhismeedka bulshada ee jasiiradda.

Markay koofiyadahaas xirtaan, raggu waxay muujin karaan hal -abuurnimadooda, badalkii guurka, riyooyinkooda iyo rabitaankooduba, ragga qaarkood xitaa waxay adeegsadaan xirfadaan si ay u muujiyaan fikradahooda. Dadka jasiiraddu waxay ku dadaalayaan inay ilaashadaan dhaqankan.

Dhaqanka Bulshada

Sannadihii 1550 -meeyadii, dadka jasiiraduhu waxay ka go'een dhul weynaha Peru. Ka -reebitaankani wuxuu gacan ka geystay sii wadidda dhaxalkooda iyo hab -nololeedka halkan. "Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad caajisiin" waa xeer dhaqanka Inca oo dadka asaliga ahi raacaan.

Dadka Takilku waa beeraley. Baradhada, iyo Galleyda, ayay aad u beertaan. Intaa waxaa dheer, dadkan waxay dhaqdaan idaha, digaagga, iyo doofaarka. Kalluunka ayaa sidoo kale lagu dhaqaa harada. Dalxiiska ayaa halkan ka bilowday 1970 -yadii.

Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa halkan booqda sannadkasta, sidaa darteed dadka tuuladu waxay heleen il dakhli. Dalxiisayaashu guud ahaan waxay halkan ku isticmaalaan hoy qiimo jaban, iyagoo doorbidaya inay cunaan cuntada maxalliga ah sidoo kalana iibsadaan dhar gacmeed-ka caanka ah ah jasiiradda.

Maryaha tequila ayaa aad u qiimo badnaa oo 2005tii UNESCO waxay ku dhawaaqday in farshaxanka 'dhaxalka dhaqanka ee jasiiraddan lagu daray gobaha dhaqanaka iyo dalxiska ee dunida'. Toddoba nin oo ku sugan jasiiradda, oo ay weheliyaan Alejandro iyo madaxweynaha jasiiradda, Juan Quisp Huetta, ayaa loo aqoonsaday inay yihiin "khabiiro ku xeel dheer dharka".

Xigashada Sawirka, KEVIN SCHAFER / GETTY IMAGES

koofiyadaha waa ay muhiim u yihiin raadinta xaas

Koofiyahada chullo ayaa sidoo kale door muhiim ah ka cayaaro is-dhexgalka dhalinyarada iyo isu soo dhawaanshoahoda. Haweenka ayaa gayaankooda ku xusha awooda uu wiilka u leeyahay tolida koofiyadaha.

Xigashada Sawirka, ROMEL VELASQUEZ

Sida uu sheegayo Alejandro, ninka haddii uu awoodo inuu si fiican irbad wax ugu toli yaqaano, waxa uu noqon karaa lammaane wanaagsan. Koofiyadda waa in xitaa aysan biyaha ka daadan haddii biyo lagu shubo.

Gabdhaha waxa ay baadi goobayaan ragga tola koofiyadaha ugu wanaagsan. Marka haddii uu ninka xiran yahay koofiyad wanaagsan, waxa ay u badan tahay in si dhakhasiya uu ku helo gabadh uu saaxib la noqdo ama u la haasaawo.

Xigashada Sawirka, HADYNYAH / GETTY IMAGES

Koofiyadaha Chullo sidoo kale waxa saameyn ku leyihiin isbadalka nloleed ee qofka. Maraka uu qofka guursanayo ama wax furayo waa in la sameeyaa koofiyad cusub.

Sidoo kale marka qofka uu noqdo qof mihim ah, hogaamiye ama sarkaal noqdo waa loo tixgelinayaa qof sare marka sidaa darteed waa in uu baddalaa koofiyadda.

Xigashada Sawirka, DJGUNNER / GETTY IMAGES

Alejandro iyo xaaskiisa waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin saraakiil ku nool jasiiradda oo waxa ay ka mid yihiin dadka go'aanka gaaraa ee jasiiradda.

"Waxaa naxay maamul, markasta waanu shaqeynaa, sidoo kale wadajir ayaanu go'aanada u gaarnaa", ayuu yiri Theodosia " Nin keligii hogaamiye ma noqon karo oo waxa uu baahan yahay xaas."

Inkastoo jasiiradda muddo hore laga saaray dhinaca ilbaxnimada, hadana saameynta xanuunka safmarka ee Covid-19 ma uusan badbaadin oo jasiiradda 12 bilood ayaa laga mamnuucay dalxiisayaasha inay galaan, sidaa darteed dhaqaalihii bulshada jasiiradda hoos ayuu u dhacay, waxayna danta ku khasabtay inay dakhligooda uu noqdo keliya beeraha.