Farmaajo: "Soomaaliya waxaa ka dhacaysa doorasho xor iyo xalaal ah"

.

Xigashada Sawirka, UN

Kulanki sannadlaha ee golaha loo dhan yahay ayaa qabsoomay, xilli madaxda caalamku ay ka hadlayeen waxayaalaha siyaasiga ah ee ka socda gudaha dalkooda iyo arrimaha caalamiga ah ee si weyn u saameya dunida dal ahaan ay halka ka taagan yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in meel gabagabo ah uu marayo hannaanka in dalka ay ka dhacdo doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, taasi oo sida uu sheegay ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliya.

Sidoo kale uu ka hadlay xakamaynta iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay cudurka COVID-19 iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliya loo wada gaarsiin lahaa tallaalka, dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa si gaar ah qodobbada uu uga hadlay waxaa ka mid ahaa hannaanka doorashada dalka iyo halka uu marayo, isaga oo sheegay in meel gebogebo ah wax marayaan.

"Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed."

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii u danbeeyey uu khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Iyada oo dad badani ay u arkaan, in khilaafkani wakhti kale dib u sii dhigi karo hannaankii doorashada.

Dhanka kale, waxaa muddooyinkii u danbeeyey socday doorashooyinka aqalka sare, xilli ay maamullada qaar weli aanay soo dhammaystirin xubnaha ku meteli doona aqalka sare.

Halka xildhibaannadii meteli lahaa Gobollada Waqooyina aan weli la dooran.

Soomaaliya dhawr jeer oo hore ayay doorashadu dib uga dhacday xilligii ay ku muddaysnayd.

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka,

Kulankii 2018 ee Framaajo QM

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay safmarka cudurka Coronavirus, iya sida ay dal ahaan ula tacaalayaan.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna."

Shalay ayuun ay ahayd kolkii Soomaaliya markale soo saareen, shuruuc lagaga hortegayo cudurka, xilli ay wasaaradda caafimaadku sheegtay in mawjaddii saddexaad ee cudurka uu dalku galay.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobaya ayaa ahayd, mid la sii duubay oo iyada oo muuqaal ka baxaysay kulanka golaha.

Waxaana ay ahayd maalinkii koobaad ee meertadii 76-aad ee kulanka golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay.