Awoodda Militari ee Israa'iil: Afar hub oo halis ah oo Israa'iil ay ku heysato Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa'iil waxay ka mid tahay dalalka ku jira halista amni, si lama filaan ahna dhibaatooyin usoo wajihi karaan, sababtoo ah kuma aysan guuleysanin in ay nabad la gasho dariskeeda.
Xasilooni darrada ka taagan Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa waxa ay muujinayaan in Qudus ay tahay meel uu muran badan hareeyay amnigeedana aan la isku halleyn karin.
Tan iyo sanadkii 1948-kii Israa'iil waxay dhisaneysay awood militari oo ay kaga duwan tahay dalalka dariska la ah iyo kooxaha ay iska soo horjeedaan, sida Xamaas iyo Xisbullah.
Muddadaas gudaheeda Israa'iil waxay abuurtay fursad weyn oo ay ku xoojineyso cududdeeda.
1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, maadama ay baahi gaar ah qabto, cadowgeeduna uu badan yahay, Israa'iil waxa ay billowday inay soo saarto tiknoolojiyaddeeda militari ee khaaska u ah waxaana usii dheereyd tiknoolojiyadda looga caawinayay dibadda, tan tan waddanka ay saaxiibka dhow yihiin ee Mareykanka.
Maanta Israa'iil waxay ka mid tahay dalalka ugu awoodda badan marka la eego militari ahaan. Kaalinta 20-aad ayay Israa'iil uga jirtaa liiska dalalka ugu awoodda badan caalamka oo guud ahaan gaaraya 140 waddan.

Xigashada Sawirka, AFP
Askarta Israa'iil
Waxaa jira afar nooc oo ka mid ah hubka ugu halista badan ee ay Israa'iil ku haysato gobolka Bariga Dhexe ee ay wada daggan yihiin dalal badan oo aan isku wanaagsaneyn.
Noocyadaas hubka ah waxay Tel Aviv ka dhigeen waddan awood baaxad leh ku heysa gobolka.
1-Merkava Rhinoceros
Waa nooc ka mid ah taangiyada casriga ah ee loo adeegsado dagaalka fool ka foolka ah. Merkava waxay militariga Israa'iil markii ugu horreysay adeegsadeen 1979-kii.
Xilligaas wixii ka dmabeeyay waaxda gaashaandhiggu way joojisay taangiyadii ay dibadda kasoo iibsan jirtay.
Naqshadeynta gudaha lagu sameeyo waxay ka caawisay inaysan u baahanin qalabkii ay meelaha kale ka sugi jirtay Israa;iil, waxaana diiradda la saaray in la dhiso taangiyo ku habboon dhulkaas iyadoo aan lagu tiirsanaaneynin tiknoolojiyadda Yurub ama reer galbeedka kale.
Qiyaastii 1600 oo taangiyada Merkavas ah ayaa hadda diyaarsan, waxaana la aaminsan yahay in kuwo kale ay dhexda kusoo jiraan.
2- F-15I Thunder
Waa diyaarado nooca miigga ah oo ay adeegsadaan ciidamada cirka.
Israa'iil waxay isticmaaleysay diyaaradaha F-15 tan iyo 1970-meeyadii, waxayna ahaayeen kuwo awooddoodu ay aad usii hormareysay mar walba oo tiknoolojiyadda lasii casriyeeyaba.
Diyaaradaha noocoodu yahay F-15I ayaa sare usii qaaday awoodda ciidamada cirka ee Israa'iil. Ilaa iyo hadda diyaaraddan waa tan ugu wanaagsan ee loo adeegsan karo dagaalka dhinaca hawada.
Khubarada dhinaca hubka waxay sheegaan in dalalka Israa'iil cadowga ku ah ee gobolka jooga aysan heysanin diyaaradaha noocan ah, inkastoo diyaaradaha Eurofighter iyo Dassault Rafales laga isticmaalo khaliijka.
Sacuudiga ayaa isaguna heysta diyaaradaha loo yaqaanno F-15SA oo tartan galin kara kuwa Israa'iil.
3- Jericho III
Waa gantaallo nooca riddada dheer ah oo masaafe dheer gaari kara.
Markii ugu horreysay Israa'iil waxay sheegi jirtay inay hubka nuclear-ka uga maaranto diyaaradaha dagaalka ee F-4 Phantom, kuwaasoo ay aad ugu adeegsaday dagaalkii ay dalalka carabta la gashay 1973-kii.
Hase ahaatee dhawaanahan waxay u baahatay hub kale oo dheeraad ah, waxayna billowday inay maalgashato gantaallada culculus ee balaastigga ah.
Ugu horreyn waxaa qalabka militariga lagu soo daray gantaallada Jericho I oo la sameeyay 1970-meeyadii gudaheeda, ugu dambeynna waxaa lagu baddalay labada nooc ee ku xiga oo kala ah Jericho II iyo Jericho III.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hubka Israa'iil waxaa ka mid ah qalabka difaaca hawada
Jericho III waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay gantaalka ugu casrisan ee yaalla gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Israa'iil lagu yaqaanno inaysan xog faahfaahsan ka bixinin awooddeeda militari iyo howlgallada ay fuliyaan toona.
Waxa uu gantaalkan gaari karaa meelo ka baxsan Bariga Dhexe, sida Yurub, Aasiya, waxana xitaa suuragal ah inuu gaaro meelo ka mid ah Waqooyiga America.
Jericho III wuxuu xaqiijinayaa in waddan kasta oo nuclear ku weerara Israa'iil uu helo jawaab adag, umana badna in weerarka ugu horreeya ee nuclear-ka lagu burburiyo dhammaan hubka Israa'iil.
4- Dolphin submarines
Waa maraakiibta badda hoosteeda quusa ee ku hubeysan nuclear-ka.
Israa;iil waxa ay markii ugu horreysay maraakiibta biyaha hoostooda mara ka dalbatay Britain 1958-kii. Maraakiibtii noocaas ahaa ee lasoo gaarsiiyay 1960-meeyadii waxa ay israa'iil ku fulisay howlgallo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ilaalada xeebaha iyo howlgallo ka dhan ah Masar iyo Suuriya.
Waxaa kale oo ay u adeegsatay daad gureynta ciidamada xilliyada dagaalka iyo nabadda labadaba.
Askariga Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Israa'iil waxay isku dhacdo dhex maraan Falastiiniyiinta
Marka laga soo tago hubka, militariga Israa'iil ayaa ah tiknoolojiyad isku xirta dhammaan qalabkan, waxayna ka kooban yihiin qaybo kala duwan oo mid walba uu gaar yahay. Tan iyo 1948-kii iyo kasii horeba, Israa'iil waxay xoogga saari jirtay inay hesho dad ku biira ciidankeeda.
Dhammaan qalabka militariga ma shaqeyn karaan haddii aysan jirin ciidamo hub kasta loo tababaray, taasina waxay kala mid yihiin dalalka kale ee caalamka.