Qoraa abaal-marin qaali ah kaga guuleystay gabar Soomaaliyeed oo la tartameysay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Damon Galgut
Qoraaga u dhashay dalka Koonfur Afrika Damon Galgut ayaa ku guulaystay abaal-marinta qaaliga ah ee Booker Prize ee shekooyiinka khiyaaliga.
Waxaa uu guushan ku muteystay buugiisii ugu dambeeyay ee lagu magacaabo The Promise.
Galgut, oo horay saddex jeer loogu soo xulay tartanka kama dambeysta abaalmarin 2003 iyo 2010, ayaan labadaas mar ee hore kuguuleysan.
Waxaa uu ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 50,000 oo giniga ingiriiska maalintii Arbacadii.
Qoraagu waxa uu sheegay in uu " si qoto dheer, ugu farxay " abaalmarinta.
"Looma baran inaan wax ku guuleysto," ayuu u sheegay BBC Radio 4'"Oo waxaan moodayay inay taasi noqon doonto xalay.
Buugga lagu magacaabo the Promise ee uu qoray Damon Galgut ayaa ka hadlaya sheeko ku saabsan qoys caddaan ah iyo xilligii cunsuriyadda koonfur Afrika.
Xigashada Sawirka, Getty Images/PA
Nadiifa Maxamed ayaa ku jirtay liiska dadka u qalma Abaalmarinta Man Booker
Waxaa dadka tartanka kula jiray ka mid ahayd gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Nadifa Maxamed oo ku tartameysay buugga ay qortay ee lagu magacaabo - The Fortune Men.
Galgut waa qoraagii saddexaad ee ka soo jeeda Koonfur Afrika ee ku guuleysta abaalmarinta Booker Prize.
Horey waxaa ugu guuleystay Nadine Gordimer sanaddii 1974 iyo JM Coetzee, oo labo jeer ku guuleystay, sanddii 1983 iyo 1999.
Sanadkii aanu soo dhaafnay abaalmarinta Booker Prize waxaa ku guuleystay qoraaga lagu magacabo Douglas Stuart.