Shirkad samaysa qalab qofka nafta isaga qaadi karo oo la furayo

Qalabka cusub

Xigashada Sawirka, SARCO

Qoraalka sawirka,

Qalabka cusub

Shirkad soo saartay aalad cusub oo qofka uu naftiisa ku goyn karo ayaa sheegtay in qalabkaasi uu noqon karo mid isticmaalkiisa laga bilaabo dalka Switzerland sanadka dambe.

Garyaqaan ay qabsadatay shirkaddan magaceedu yahay Dignitas ee soo saarta qalabka Sarco ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo dalkaasi ka jira oo ay baalmartay, taas oo micnaheedu yahay sharciga dalkaasi in uu ogolyahay in shirkadda caynkan ah ay shaqo gasho.

Hase ahaatee garyaqaano kale ayaa kasoo horjeedsaday aragtida sharciyeed ee garyaqaankan ay shirkadda qabsatay.

Noocan isdilka ah ayaa qofka waxaa dookh loo siinayaa in uu nafta iska jaro, sharci ayayna ka tahay dalka Switzerland, iyada oo 1,300 qof ay sidaas nafta isaga jareen sanadkii 2020-ka.

Qaabkan is dilka iyo qaabka kale ee dhaqtar uu qofka ku mudayo irbad nafta qofka ka jarta ayaa ah kuwa mamnuuc ka ah dalal badan oo ay UK ka mid tahay.

Switzerland qofka waxaa la siinayaa dhawr nooc oo dareere ah, kuwaas oo marka uu qofka cabbo ay markiiba nafta dhaafayso.

Si taasi ka duwan, qalabkani cusub oo meel kasta lagu rakibi karo ayaa waxaa lagu shubay maadadama Nitrogenka, kaas oo si dhaqso ah hoos ugu dhigi kara heerka neefta qofka illaa uu ka dhinto.

Qofka wuxuu markiiba ka dhigayaa mid suuxsan, wuxuuna ku dhiman karaa muddo 10 daqiiqo ah , iyada oo qofka uu qalabkan la dhexgalayo ka daari karo marka uu gudaha u galo.

Balse waxa uu leeyahay batoon haddii aad taabatid aad si degdeg ah uga bixi kartid.

Daniel Haurlimann oo ah qabiir dhanka sharciga ah, waxna ka dhiga jaamacadda St Gallen ayay shirkadda u xilsaartay in uu soo ogaado in isticmaalka qalabkani uu jabinayo sharciga dalkaasi.

Wuxuu BBC-da u sheegay in qalabkani uusan ahayn qalab caafimaad, sidaasi darteedna uusan soo galaynin qodobada sharciga qalabka caafimaadka ee Stitzerland.

Waxa kale oo uu aaminsanyahay in uusan baalmarsanayn sharciga quseeya maadada nitrogen-ka, hubka iyo agabka kale ee bad-qabka dadka.

Balse Kerstin Noelle oo ah dhaqtar, abukaate iyo bare wax ka dhiga jaamacadda Zurich ayaa wargeys dalkaasi kasoo baxa u sheegay in qalabkani uu yahay qalab caafimaad, tahayna in loo cuskado xeerarka dalkaasi.

Haddii la ansixiyo qalabkan , waxaa la sheegay in uusan noqon doonin qalab la iibiyo, iyada oo ninka naqshadeeyay qalabkan Dr Phili Nitschke uu sheegay in uu qadka internetka galin doono naqshadda oo dhan, si qofkii u baahan uu ula dego, kadibna u samaysto.

Wuxuu sheegay in uu doonayo in meesha laga saaro hannaanka caafimaadka ee loo maro is dilka, qofkana uu noqdo mid awoodda in uu nafta iska qaado.

Muddo badan ayuu u ololeyn jirey xaqa uu qofka u leeyahay in uu nafta is dhaafiyo,

Dad badan ayaa ninkani ku eedeeyay in uu dhiirogalinayo in ay dadka is dilaan, islamarkaasna uu wax wanaagsan ka dhigayo dhimashada.