Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal: Atooreyaasha iyo atariishooyinka Bollywood ee sida kediska ah isu guursaday

Katrina Kaif

Xigashada Sawirka, Katrina Kaif@twitter

Qoraalka sawirka,

Katrina Kaif

Maanta waxaa billaabatay xafladda arooska ee xiddigaha Bollywood-ka, Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal, waxayna socon doontaa ilaa 10-ka bishan December oo ku beegan maalinta Jimcada ah.

Atariishadan caanka ah iyo atooraha sida weyn loo yaqaanno arooskooda waxa uu ka dhacayaa dhisme 700 oo sano jira oo ku yaalla gobolka Rajasthan.

Hadal heynta ku saabsan jacaylka ka dhaxeeya Katrina iyo Vicky waxay jirtay in muddo ah balse way ka gaabsanayeen inay arrintaas kala hadlaan warbaahinta.

Warka ku saabsan jacaylkoodase waxa uu soo ifbaxay islamarkii ay ku dhawaaqeen in ay is guursanayaan, mana jirin cid ka war heysay inuu ka dhaxeeyay xiriir.

Haddaba kuwani ma aha lamaanihii ugu horreeyay ee warbaahinta ka dhuunta oo mar qura lagu baraarugo arooskooda.

Horay waxaa u dhacday in jilayaal caan ahaa ay arooskooda kadis ka dhigeen iyadoo aan laga sii warqabin.

Kuwii soo billaabay waa hore waxaa ka mid ah Shammi Kapoor iyo Geeta Bali oo laga war helay oo keliya iyagoo jooga goobta meherka ee ay isku guursanayeen.

Xigashada Sawirka, MOHARSINGH MEENA / BBC

Qoraalka sawirka,

Dhismaha qadiimiga ah ee uu ka dhacayo arooska Katrina iyo Vicky

Inta badan jilayaasha kediska isku aroosa waxay isku jeclaadaan shaqada jilista filimada ay wadajirka ugu jiraan.

Arooska Vicky Kaushal iyo Katrina Kaif wuxuu abuuray su'aalo badan iyadoo dadku ay xiiseynayaan inay waxyaabo badan ka ogaadaan, sida uu BBC-da laanteeda af hindiga u sheegay Jaideep Chowkse, oo ah wariye rugcaddaa ah.

"Magacyada ugu horreeya ee maskaxdeyda kusoo dhacaya waa Shammi Kapoor and Geeta Bali. Qisadooda jacaylka markaas unbay billaabaneysay. Marka ay dhammeeyaan duubista filimka ay isla jilayeen, waxaa la arki jiray iyagoo maqribkii waddada isla sii socda.

"Maalin maalmaha ka mid ah, atoorihii iyo atariishadii waxaa si lama filaan ah loogu arkay iyagoo jooga goobta la isku mehersado ee ku taalla Koonfurta Mumbai, wayna is guursadeen. Shummi arrintan ma uusan ogeysiinin aabihiis Prithviraj Kapoor iyo walaalkiis Raj Kapoor midna.

"Arooskooda kaddib ayuu telefoon kula hadlay, sidaas ayuuna ugu sheegay iyagoo guriga jooga. Geeta Bali waxay warka ku saabsan arooskeeda warbaahinta ugu gudbisay iyadoo adeegsaneysa xog hayeheeda, Surendra Kapoor," ayuu yiri Mr Chowkse

Surendra Kapoor waxa uu ahaa aabihii dhalay jilayaasha Bonnie Kapoor iyo Anil Kapoor.

Arooskii uu sababta u ahaa filimkii "Taxi Diriver"

Qosadii jacaylka ee jilayaashii caanka ahaa ee Dev Anand iyo Suraiya ma aysan gaarin heer guur. Balse Dev Anand waxa uu qof walba ka yaabiyay markii uu si lama filaan ah u go'aansaday inuu aroos galo.

Waxa uu guursaday atariishada lagu magacaabo Kalpana Karthik, oo ay wada jilayeen filimkii "Taxi Driver".

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dev Anand

Jaiprakash Chowkse waxa uu yiri: "Markii la aaday xilliga qadada, wuxuu si deg deg ah u wacay wadaaddada wax mehriya wuxuuna guursaday Kalpana Karthik."

Saacado gudahood markii uu arooska dhacay, wuxuu dib ugu noqday duubistii, wuuna sii dhammeystiray shaqada. Taageerayaashiisa iyo warbaahintu waxay la fajaceen inay maqlaan aroos noocaas ah.

Rajesh Khanna iyo Dimple

Arooskii Rajesh Khanna isagana waxa uu noqday war deg deg ah. Jaideep ayaa yiri: "Jacaylkii ka dhaxeeyay Rajesh Khanna iyo Anju Mahendra wuxuu socday lix sano kaddibna faraha ayuu ka baxay.

"Kaddib si lama filaan ah waxaa warbaahinta iyo taageerayaasha soo gaaray warka ku saabsan inuu guursanayo Dimple Kapadia. Hadal heyn weyn ayuu dhaliyay arooskooda."

Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai

Arooskuu Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai ayaa sidoo kale lama filaan ku noqday cid walba, indhaha caalamkana soo jiitay. Waxaa la qorsheeyay in Abhishek uu guursado Karisma Kapoor balse xiriirkooda ayaa burburay dhowr sano kaddib.

Hase yeeshee, durbadiiba waxaa si lama filaan ah loo ogaaday in Abhishek iyo Aishwarya ay iskuursanayaan, warbaahintuna kama sii warqabin xiriirkooda.

Sidoo kale taageerayaashu waxba kama aysan ogeyn arrintaas kediska ku noqotay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Abhishek iyo Aishwarya

Hadal heynta arooskaas ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii inta badan dadkii la filayay aan lagu casuumin.

"Maadaama aan waqti loo heli karin in meel weyn la helo, Amitabh waxa uu go'aansaday inuusan dad badan u digin arooska, martiduna way koobnaayeen.

"Jilayaal badan oo uu ka mid yahay rugcaddaaga lagu magacaabo Shatrughan Sinha ayaa ka maqnaa, maadaama aan loo yeerin," ayuu yiri Jaideep.

Lama filaanka ugu weynaa waxa uu ku dhacay filim soo saaraha la yiraahdo Prakash Mehra, sababtoo ah Amitabh wuxuu fasax dheer ka qaatay filimkiisii Zanjeer.

"Taas ayaa caddeyn u ah in arrimaha qoyska ay ka muhiimsan yihiin arrimaha ganacsiga," ayuu yiri Amitabh.

Hema Malini-Dharmendra

Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Ajay Brahmatmaj ayaa yiri, "Warar badan ayaa kasoo baxayay arooska atariishada Heema Malini, oo sidoo kale loo yaqaanno Hee-Man Dharmendra iyo Dream Girl oo ah naaneysteeda Bollywood-ka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Hema Malini iyo Dharmendra

Waxa uu sheegay in arooska Hema Malini uu u dhacay si layaab leh. Waxay diyaar u ahayd inay guursato Jitendra. Xitaa waxaa la diyaariyay teendhadii uu arooska ka dhici lahaa.

Balse Dharmendra wuxuu isagana magaalada Chennai la tagay Jitendra saaxiibtiis, Shobha. Arooskii hore wuu burburay. Kaddib Dharmendra ayaa teendhadii dhex fariistay waxaana loo guuriyay Hema Malini.

Dharmendra wuxuu qaatay diinta Islaamka si uu u guursado Hema Malini, sababtoo ah horay ayaa loo soo guursaday, isagana ma uusan guursan karin maadaama uu ahaa Hindu.

Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna

Arrintaas u dhow waxaa sameeyay Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna oo labadaba ka mid ah xiddigaha ugu caansan Bollywood-ka Hindiya.

Ajay waxa uu yiri: "Arooska Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna wuxuu ka yaabiyay qof walba, lama filaan ayuuna ahaa. Sababtu waxay ahayd in Adhya uu guursan rabay Raveena.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Akshay Kumar and Twinkle Khanna

Maxaa loo hadal hayaa arooska xiddigaha Bollywood-ka?

Aroosyada jilayaasha filimada Bollywood-ka way ka gudbeen xaflad aroos oo keliya, waxay sidoo kale noqdeen il uu dhaqaale badan kasoo xaroodo.

Atul Mohan oo ah falanqeeye ganacsi ayaa yiri: "Warbaahinta waxay isugu tagayaan xafladda arooska waxayna halkaas ka helayaan sawirro iyo muuqaallo ku saabsan dadka caanka ah ee ka qayb galaya, waayo waxay og yihiin in daawadeyaasha iyo aqristeyaasha ay si weyn u daneynayaan.

"Waa sida heshiis ganacsi. Telefishinnadu waxay qiimeynayaan inta qof ee arooska ka qayb geli karta, waxayna xisaabinayaan lacagta ay ka faa'iidi karaan, sidaas awgeedna waxay heshiisyo ganacsi lasoo galayaan shirkado.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhammaan aroosyada dadka caanka ah martida ka qayb galeysa waxaa la siiyaa tilmaan qarsoodi ah oo uu helayo oo keliya qofka la marti qaaday.

Howsha oo dhan waxay isu baddashay suuq geyn caadi ah, sida uu sheegay Atul Mohan.

Hadda warbaahintu waxay si joogto ah usoo gudbiyaan wararka ku saabsan halka uu marayo arooska Katrina iyo Vicky.

Labada jilaa ee is guursanaya laftooda waxay qayb ka helayaan lacagtaas.