Waa kuwama siyaasiyiinta ka tanaasulay midnimada ee ay Somaliland horay u cafisay?

Madaxwayne Biixi

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Madaxwayne Biixi

Wareegto uu shalay soo saaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay joojisay aqbalaada cafisyada ay soo dalbadaan dadka reer Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Soomaaliya.

Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay maxkamad ay wajihi doonaan dadka ka qeybgala siyaasadda Soomaaliya ka dib-na dib ugu soo laabta Soomaaliland.

Wareegtada ayaa waxaa lagu yiri"qof kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo masuul dowladeed, shicib, urur, axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go'aanka labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go'aanka Labada Gole".

Waxaa sidoo kale wareegtada madaxwayne Biixi lagu xusay in"Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxay wareegtada kaga duwan tahay xeerarkii hore?

Qaar ka mid ah khubrada dhanka sharciga ayaa rumeysan in wareegtada madaxwaynaha aysan wax badan kaga duwaneyn qaraaradii ay horey u ansixiyeen golayaasha sharci dajinta ee Somaliland.

Labada aqal ee kala ah golaha wakiilada iyo golaha guurtida ayaa horey u ansixiyay shuruuc la xiriirta qaabka loola macaamilayo dadka reer Somaliland ee ka qeybgala siyaasadda Soomaaliya.

"Wareegtada madaxwaynaha Somaliland soo saaray nuxurka guud kama duwana qaraaradii ay horey u gaareen baarlamaanka Somaliland oo kiisii u horeeyay u ahaa 2003-dii ee mamnuucayay in dadka ka soo jeeda Somaliland ay sinnaba uga qeyb galaan geedi socodyada iyo shirarka siyaasadeed ee dib u heshisiinta Somaliya", ayuu yiri Mr Guuleed.

Waxaa uu sharci-yaqaanku intaa ku daray in midda kali ah ee wareegtada madaxwaynaha ay uga duwan tahay xeerarkii hore ay tahay arrinta in madaxwaynaha uusan cafis u fidin doonin dadkaasi oo ay maxkamad go'aan ka gaari doonto.

"Madaxwaynuhu wuxuu go'aamiyay in cafis uusan cidna siinayn oo cidda la soo eedeeyo ay mareyso nidaamka maxkamadeed ee garsoorka oo ilaa la xukumo oo ka dib cafis soo gudbistaan mooyee cafis la sii bixinayo oo qofka oo maqan oo Somaliland soo galin in uusan jirin," ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Ismaaciil Hure Buubaa

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay

Siyaasiyiin badan oo ka qeybgalay nidaamka siyaasada Soomaaliya ayaa waxay marar badan cafis waydiisteen xukuumadda Soomaaliland.

Siyaasiyiintan ayaa cafiska dalbanayay iyaga oo ku sugan meelo ka baxsan deegaannada Somaliland.

Cafiska ayaa wareegtadan ka hor waxa laga dalban jiray islamarkana bixin jiray madaxwaynaha Somaliland markaasi oo ka dib ay Siyaasiyiinta la cafiyay in dib Hargeysa ugu soo laaban jireen.

Xigashada Sawirka, Maxamed Cumar Carte Qaalib

Qoraalka sawirka,

Maxamed Cumar Carte Qaalib

Siyaasiyiinta cafiska dalbanaya ayaa waxyaabaha laga doonayo waxaa ka mid ah in ay ka laabtaan oo ay si cad u sheegaan in ay ka tanaasuleen mabdi'ii hore ee uu qabay ee midnimada Soomaaliya.

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo Jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soomaaliya ayaa ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay islamarkana sanadii 2015 dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo horey u ahaa rai'sul wasaara ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay ee dib ugu laabtay Somaliland.

Sababta keentay in Maxamed Carte iska Casilo xubinimadii Baarlamaanka dalka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go'aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib, uuna doonayo inuu soo arko.

Xigashada Sawirka, Mustafe Qodax

Qoraalka sawirka,

Mustafe Qodax

Mustafe Qodax oo ka tirsanaa xildhibaanadii aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee ay xuukamada Somaliland cafiska u fidisay ka dib markii uu ka tanaasulay fikirkii midnimada Saoomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira salaadiin iyo odeyaal dhaqameed ay xukuumadda Somaliland cafis u fidisay.

Qoraalka Muuqaalka,

Daawo: Boqor Buurmadow oo bBBC-da ka halday safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo