"Wuxuu iga codsaday inaan rinji caddaan ah mariyo si uu uga badbaado midab-takoor"

BBC na Chuo Kikuu cha Solent cha Southampton ziliunda mfululizo wa vielelezo vya sauti-juu ili kushughulikia suala hilo

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Aabbe, maxaadan u soo qaadeyn rinjiga haray ee guriga yaalla si aad ii mariso, adiga iyo walaalkey? haddii aan dhammaan ranji caddaan ah is marinno mar kale dhibaato ma arkeeno."

Hadalkan ayaa waxaa ku yiri wiilkiisa xilli ay isla cayaarayeen wuxuuna sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee ay arrintan aad u saameysay.

"Runtii, ilmo ayaa i soo dhaaftay," ayuu yiri aabbe ku nool koofurta England.

Qoyskan ayaa muddo sanado ah waxay midab-takoor kala kulmayeen bulshada deriskooda ah.

Tacaddiyada ay la kulmayeen oo aad u darnaa ayaa waxay taas ku kalliftay inay hadba meel u guuraan oo ay beddeshaan guryaha, shaqooyinka, iskuullada iyagoo sheegay inay ka baqayeen in gurigooda la gubo.

Qoyskan ayaa sanadkan dhexdiisa la dejiyay guri kale iyagoo caawinaad ka helay ururka aan faa'iido-doonka ahayn ee Sovereign Housing.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tacaddiyada ayaa billowday September 2017

"Waxay ahayd wax aan gebi ahaanba fileyn," ayuu yiri aabbaha.

"Waxaan annaga iyo carruurta dib ugu soo laabannay guriga. Waxaan maqlay qof ku qeylinaya, 'Haye qofka nooca kale ah!' ayuu yiri.

"Waan eegay waxaana arkay qof qoyskeyga ka tirsan, oo mid ka mid ah deriskeennana uu dhanka kale taagan yahay oo uu aflagaaddeynayo," ayuu yiri.

"Waxay bilaabeen inay isku soo dhowaadaan. Way isa soo baheysteen waxayna ku qeylinayeen hadallo badan oo aflagaaddo ah."

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska ayaa tacaddiyadaas booliiska u sheegay, deriskooda ayaana maxkamadda looga wacay.

Mid ka mid ah, oo haweeney ahayd, ayaa lagu helay cunsuriyad waxaana lagu ganaaxay £ 200 (oo qiyaastii u dhiganta $ 265) bishii November 2017.

Qof kale oo deriskooda ah oo nin ah ayaa isla ganaaxaas lagu xukumay bishii January 2018.

Ururka Sovereign Housing Corporation, oo guryo ku leh koofurta iyo galbeedka UK, ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah deriska kaddib markii ay ka war heleen rabshadda iyo tacaddiyada ay qoyskan la kulmaan.

Marka tan laga soo tago, qoyska ayaa sheegay in tacaddiyadu ay sii socdeen isla markaana aanan wax tallaabo dheeraad ah la qaadin.

"Waan idiin arki doonnaa, gurigiinna dhexdiisa ayaan idinku gubi doonnaa, 'ayay ku qeyliyeen," ayuu yiri aabbaha.

"Waxaan diyaarsaday baaldi aan biyo ka buuxiyo haddii loo baahdo, sababtoo ah dadkan way gubi karaan guriga annaga oo gudaha ku jirna."

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waaxda booliiska ee la tacaaleysa cabashooyinka tacaddiyada midab-takoorka ayaa sheegay in saraakiishu ay la hadleen marqaatiyaal madax bannaan 48 saacadood kaddib markii qoyskan ay soo gudbiyeen cabashadooda.

"Waanu ognahay in dembiyada nacaybka ay saameyn daran ku leeyihiin dhibbanayaasha, qoysaskooda iyo bulshada kale," ayuu yiri afhayeen booliiska u hadlay.

"Waxaan dooneynaa dadka deegaanka inay ogaadaan inaan si dhab ah u qaadanno dhammaan warbixinnada la xiriira nacaybka oo aan diyaar u nahay inaan caawinno."

Waaxda Crown Prosecution Service (CPS) ayaa sheegay inay maxkamadda ka codsadeen inay xukunno adag ku ridaan dadka geysta tacaddiyada.

"Waxaan garwaaqsan nahay in dhibbanayaasha arrintan ay aad u dhibtoodeen sababo la xiriira tacaddiyada midab-takoorka ee ay kala kulmeen deriskooda," ayuu yiri afhayeen u hadlay CPS.

"Qofna maaha inuu cabsi ku noolaado, waxaana la arkay inay la kulmeen aflagaaddo aad u daran."

"Kuwa tacaddiyada geystay ayaa lagu eedeeyay inay erayo aflagaaddo leh adeegsadeen."

BBC-da ayaa la xiriirtay Sovereign Housing, balse kama aysan hadlin kiiskan.