Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal: Maxaa ka jira in Salman Khan uu Hindiya uga cararay arooska saaxiibtiisi hore awgiis?

Xigashada Sawirka, beingsalmankhan@Instagram
Islamarkii lagu dhawaaqay inay si rasmi ah isu qabaan Katrina Kaif iyo ninkeeda cusub, Vicky Kaushal, waxaa billowday dacaayado ka dhan ah xiddigga Bollywood-ka, Salman Khan oo horay ay isu shukaansan jireen atariishada la guursaday.
Waxay hadal heynta kusoo beegantay xilli uu Salmaan Khan ka dhoofay Mumbai isla maalintii uu dhacayay arooska Katrina Kaif.
Haddaba maxaa ka jira in Khan uu Hindiya uga baxay si uu uga dhuunto arooska saaxiibtiisii hore?
Subaxnimadii hore ee Khamiista ayaa garoonka diyaaradaha Mumbai lagu arkay Salman oo sii dhoofaya iyadoo dad badan ay markii hore su'aalo iska weydiinayeen inuu ka qayb gali doono arooska iyo sida uu uga soo muuqan doono.
Xitaa wariyeyaasha iyo dadkii halkaas ku arkay qaarkood waxay moodayeen inuu diyaaradda khaaska ah ee uu raacayay ku aadayo goobta uu ka dhacayo arooska oo ah magaalada Jaipur.
Laakiin lilaaga caanka ah ayaa u baxay magaalada Riyaad ee waddanka Sacuudiga, ujeeddada safarkiisana waxay ku saabsan tahay filimkiisa Da-Bangg. Taas waxay meesha ka saareysaa dayaacadda iyo fasiraadda dadka qaar ee moodayay in Salman uu ka dhuumanayo arooska Katrina Kaif.
Xigashada Sawirka, HYPE PR
Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal ayaa xiriir lahaa labo sano ka hor inta aysan aqal gelin 9-kii bishan December
Horay ayuu Salman usii shaaciyay in 10-ka bisha December ay dhici doonto munaasabad ku saabsan filimkiisa. Waxaa kale oo isla garoonka Mumbai ka sii raacay jilayaasha kala ah Shilpa Shetty, Sohail Khan iyo Aayush Sharma oo dhammaantood isku ojeeddo u socday.
Maalmihii lasoo dhaafayba way socdeen hadallada ku saabsan Salman Khan iyo Katrina Kaif, kuwaasoo sii xoogeystay kaddib markii ay atariishada si lama filaan ah ugu dhawaaqday in la guursanayo.
Inta uu socday xiriirkooda way qarinayeen ilaa laga soo gaaray waqtiga ay arooska shaacinayeen.
Ilaa hadda Salman Khan kama uusan hadlin arooska Katrina iyo Vicky Kaushal. Waxaa la rumeysan yahay in Salman uu wali xiriir saaxiibtinnimo la leeyahay Kaif oo xiriir jacayl uu lasoo sameeyay dhowr sano oo ahayd xilligii ay ku biirtay jilitaanka filimada
Xigashada Sawirka, Salman Khan
Labada xiddig ayaa xitaa dhawaan isla soo jilay filimka Tiger 3 ka hor inta aysan ku mashquulin arooskeeda.
Ka hor inta aysan Katrina xiriirka la sameynin atooraha guursaday hadda, Vicky Kaushal, waxay dhowr sano la socotay jilaaga kale ee lagu magacaabo Ranbir Kapoor, kaasoo ay markii dambe kala hareen.
Muddo shan sano ah ayay Ranbir iyo Katrina lahaayeen xiriir dhab ah oo ku socday waddada guurka, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay soo afjaraan xiriirkooda.