Sida ay haweeneydan tuuladeeda uga badbaadisay gaajada iyo macluusha

Mata da Miji tsaye a gona

Xigashada Sawirka, Sira Thierij/BBC

Qoraalka sawirka,

Loharano iyo seygeeda Mandilimana ayaa isbeddel ku sameeyay tacabka beeraha ee tuuladooda

Loharano oo ka soo jeedda dalka Madagascar ayaa halgan u gashay sidii ay dadka uga badbaadin lahayd abaarta iyo macluusha iyadoo la timid qorshe ay uga nabad-geli karaan inay wajahaan macluul.

Abaarta daba dheeraatay ee dalkaasi ayaa sababtay in 1.3 milyan oo qof ay macluul u dhintaan, halka 28,000 oo kalena ay weli macluul heyso. Dadka qaar ayaa abaartaasi ku tilmaamay inay tahay tii ugu xumeyd ee soo marta dunida sababo la xiriira isbeddelka cimilada, inkastoo qaar kalena ay sheegayaan inaysan ahan.

Marka laga reebo xaafadda Tsimanananda, oo ay Loharano ka tahay hoggaamiye bulsho, Ilaah ayaa ka badbaadiyay abaarta.

Xaafaddan oo 45 loogu socdo gaariga marka laga yimaado Ambovombe, magaalada ugu weyn gobol Androy, waxay ahayd meesha ugu daran ee ay abaartu saameysay sababo la xiriira roob la'aanta.

Waa meel boor iyo bus badan wayna adag tahay in la qiyaaso sida wax loogu tacban karo. Balse xaafadda Tsimanananda wya ka duwan tahay xaafadaha kae.

Dhoolla-caddeynta Loharano ayaa soo jiidata qof walba oo la kulma. Way gaaban tahay balse waa qof furfuran.

"Waxaanu la dhibtoonnay macluul. Wax baan beernaa balse mar walba sidaan rabnay wax ma noqdaan," ayay tiri haweeneydan 43 jirka ah, iyadoo qeexeysa abaartii soo martay sanadkii 2013. Balse caawinaad ay ka heleen ururuka samafalka ee CTAS, haatan wax walba way is beddeleen.

Loharano ayaa fasal yar dadka ku barta farsamooyinka beeraha, iyadoo la hadasha dadka deriskeeda ah, sidoo kalena seygeeda Mandilimana, iyaga oo dadka bara ka hortagga abaaraha iyo sida dalagyada loo beerto.

' Waxaan cunnaa quraac, qado iyo casho'

Toddobadii sano ee la soo dhaafay CTAS ayaa bulshada tuulada ka caawisay farsamooyinka wax soo saarka badarka sida masaggada, iyadoo la adeegsanayo ciid si fiicna loo diyaariyay loona bacrimiyay.

Ddaka tuulada ayaa bartay sida wax loo beerto loona ilaaliyo dalagga.

"Haatan, waxaan cunnaa quraac, qado iyo casho," ayay tiri Loharano, iyadoo dhex joogta beerteeda, oo iyada iyo seygeeda Mandilimana ay ku tabcadaan badar kala duwan.

Qeyb ka mid ah beerta, waxaa ku beeran masaggo, dhanka kalena digir, dhinaca kalena baradho.

"Waxaan cunnaa masaggo sokor lagu daray. Tani waa cunto ay aad u jecel yihiin carruurta. Waxaa ka buuxa badar."

CTAS ayaa sheegtay inay tababarka wax tacbashada ka fuliyeen ilaa 14 tuulo oo ku yaalla koofurta Madagascar ayna caawiyeen 10,000 oo qoys.

Balse kooxdan yar ayaa sheegtay inay cid walba caawin karin sababo la xiriira dhaqaale la'aan.

Caasimadda gobolkaas ee Ambovombe, waxaa ka muuqda calaamadaha dagaalka.

Dhul ballaaran oo magaalada ka tirsan, qoysas badan ayaa ka dhistay teendhooyin, waxaa ku taalla xarun laga soo qaato maro-kaneecada, cuntada iyo wxayaabo kale.

Ilaa 400 oo qof ayaa ka qaxay macluusha deegaanka a jirta.

Si ka duwa Loharano, ma awoodaan inay wax beertaan, ma heystaan cunto, iyaodo beerahooda iyo xoolahoodaba u iibiyay si ay u badbaadaan.

"Afar ka mid ah carruurteyda way dhinteen. "

Keliya maaha hanti waxa ay dadku waayeen.

Mahosoa, xaaskiisa iyo 12 carruur ah kula nool xerada, ayaa sheegay in afar ka mid ah carruurtiisa yar yar ay saddex sano kahor ku dhinteen dagaal.

"Macluul ayay ugu dhinteen tuulada. Mid mid ayay maalin walba u dhimanayeen. Muddo toddobad ah waxba ma cunin, ma aynaan heysan cunto amaba biyo."

Xigashada Sawirka, Sira Thierij/BBC

Qoraalka sawirka,

Dadka xerada Ambovombe ayaa macluul uga qaxay tuuladooda

Mahosoa ayaa sheegay in qaar ka mid ah carruurtiisa ay aadeen magaalooyinka, si ay u helaan wax ay cunto ku iibsadaan.

Wuxuu intaas ku daran in ballan-qaadka gargaar ee dowladda aysan waxba ka suurto gelin.

Dowladda ayaa gargaar cunto gaasiisay deegaannada ugu daran ee ay abaartu saameysay, iyadoo hirgelisay mashaariic dhismo oo deegaannadaas wax loogu qabanayo.

Si kastaba madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa lagu cambaareyay sida uu ugu guul-darreystay inuu tallaabo deg deg ah ka qaado abaaraha iyo dagaallada daba-dheeraaday ee dalkaas, oo Madagascar geliyay xaalad adag.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa aaminsan inay tahay arrin la xiriirta gumeystihii hore ee dalkaas.

"Intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa Faransiiska, dadka Antandroy waxay la dagaallameen gumeysigii Faransiiska, iyagoo adeegsanaya khiddado militari," ayuu yiri bare sare Dr. Tsimihole Tovondrafale.

Wuxuu sheegay in taasina ay tahay sababta uu Faransiisku uga baxayo gobolka amaba uusan horumar uga sameyneyn.

"Kama aysan fekerin si loo dhiso waddooyinka, amaba ceelasha, siyaasadda Madagascar-na sidaas un bay ahayd tan iyo xornimadii."

Warbixintii dhowaan ee Madagascar ay ka soo saartay isbeddelkacimilada ayaa aad loo cambaareeyay. Baarayaasha ayaa sheegay in keliya isbeddelka cimilada aanan loo aaneyn karin abaaraha.

Map

Iyagoo aan dan ka galeynin dhibaatooyinka ay sababi karaan daadadka, tobnaan kin oo qof ayaa weli wax tabcanaya sanadaha soo socda.

Shaqada ay Loharano heysto ee horumarinta wax beerashada tuulada ay hoggaamiso, waxay ku faraxsan tahay in dadka gobolka ay ka badbaadeen rabshadaha ay Madagascar inteeda kale wajahayso.

"Murugo ayaan dareemaa, inaan arko dad macluul u dhimanaya." Ayay tiri.