Harnaaz Sandhu: Maxay tahay arrinta layaabka leh ee ku saabsan gabadha ugu quruxda badan adduunka?

Harnaaz Sandhu

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Harnaaz Sandhu

Harnaaz Sandhu oo ah gabadh u dhalatay dalka Hindiya ayaa ku guuleystay tartanka quruxda adduunka ee Miss Universe, gabdhan loo caleemo saaray gabdha ugu quruxda badan ayaa imaaneysaa 21 sano kadib oo ay Hindiya ku guuleysatay tartankan.

Markii ugu dambeysay ay Hindiya qaaddo tartanka quruxda wuxuu ahaa sanadkii 2000 oo ay ku guuleysatay gabadh la oran jiray Lara Dutta, wuxuu sanadkan ku beegan yahay markii ay dhalatay gabadhan maanta la shaaciyay inay tahay gabadha ugu quruxda badan adduunka Harnaaz Sandhu.

Tartanka 70-aad ee Miss Universe 2021 waxaa lagu qabtay magaalada Eilat ee Israa'iil.

Harnaaz Sandhu oo 21 jir ah, kana soo jeeda gobolka Punjab, ayaa ku guuleystay tartanka quruxda, iyadoo ka adkaataay Nadia Ferreira oo ka socotay dalka Paraguay iyo Lalela Maswane oo u dhalatay Koonfur Afrika.

Safarka Harnaaz Sandhu

Harnaaz Sandhu waxa ay ka qayb qaadanaysay tartamada quruxda tan iyo 17 jirkeeda. Horaantii sanadkan , waxay ku guulaysatay magaca Miss Diva 2021 ee quruxda.

Sanadkii 2019, waxay ku guulaysatay gabadha magaca Femina Miss ee dalka Hindiya gaar ahaan gabadha ugu quruxda badan gobolka Punjab ,halka ay kaalinta 12-aad ay ka gashay ee tartanka Femina Miss Hindiya 2019 ee quruxda.

Xigashada Sawirka, Reuters

Marka laga soo tego tartamada quruxda ay ka qeybgashay gabadhan, waxay sidoo kale kaalin ka qaadatay labo filim oo lagu jilay gobolka Punjab.

Ka dib markii ay ku guuleystey tartanka quruxda adduunka, Harnaaz Sandhu waxay tiri "Waxaan u mahadcelinayaa Ilaahey, qoyskayga iyo kooxda Miss India oo igu taageeray safarkan oo dhan."

"Waan jeclahay dhammaan dadkii igu soo duceeyay in aan ku guuleysto tartanka si aan u helo taajka quruxda adduunka, waxay guul u tahay Hindiya, sharaf ayay u tahay Hindiya inay ku guuleysato tartanka kadib 21 sano" ayay tiri Harnaaz Sandhu.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Harnaaz Sandhu

Tartanka

Intii lagu guda jiray wareegii ugu dambeeyay ee tartanka, dhammaan gabdhihii tartamayay waxaa la weydiyay "Maxay tahay talada ay usoo jeedinayaan haweenka da'da yar ee la kulma cadaadiska xilliggan iyo sida ay uga hortaggi karaan caqabaddaas?"

Harnaaz Sandhu waxay ku jawaabtay, "Caddaadiska ugu weyn ee dhalinyarada maanta heysta ayaa ah sidii ay naftooda ku aamini lahaayeen , waa in aad ogaataa in aad tahay qof qeyru caadi ah oo qaban kara waxyaabo gaar ah waa waxa quruxda ku yeeli kara, jooji in noloshadaa in la barbardhigto midda dadka kale iyo waxyaabaha kale ee adduunka ka dhacayo, Aad bay muhiim u tahay in laga hadlo wixii dhacay.

Soo bax, oo naftaada u hadal, waayo adiga ayaa hoggaamiyaa noloshaada, Waan aaminsanahay naftayda, waana sababta aan maanta halkan u taaganahay."

Jawaabta su'aashan ayaa Harnaaz ka dhigtay inay kaalinta hore ka gasho tartanka, waxaana lagu dhawaaqay inay guuleysatay.

Marka laga reebo Harnaaz Sandhu , hadda ka hor Hindiya waxaa tartanka quruxda adduunka ee Miss Universe u qaaday laba hablood oo kala ahaa Sushmita Sen oo ku guuleysatay sanadkii 1994 iyo Lara Dutta oo markii labaad ku guuleysatay sanadkii 2000.