Maxaa looga hadlay shirka dhif iyo naadirka ah ee markii ugu horreysay lagu qabtay Sacuudiga?

Xigashada Sawirka, Philosophy conference in Riyadh
Shirkan waa kii ugu horreeyay noociisa ee ka dhaca Sacuudiga
Shir weyn oo caalami ah loogana hadlayay falsada ayaa lagu qabtay dalka Sacuudiga, shirkan oo looga gol lahaa dhiirrigelinta fekerka xorta ah iyadoo dalkaasi ay muwaadiniintiisu xabsi ku muteystaan muujinta fekerka loo arko inuu ka hor imaanayo kan dowladda.
Faylasuufka weyn ee Mareykanka u dhashay Michael Sandel ayaa ka mid ah tiro aqoon-yahanno waaweyn ah oo ka qeyb qaatay shirkan oo saddex maalmood ka socday magaalada Riyadh.
Shirkan oo uu aaladda fogaan-aragga uga soo qeyb galay, ayaa ninkan oo bare ka ah Jaamacadda Harvard wuxuu qaban qaabiyeyaasha u sheegay inuusan dooneyn inuu cashar bixiyo, balse taas beddelkeed uu door-bidayo inuu si toos ah ula sheekeysto da'yarta Sacuudiga oo ay haween ku jiraan.
Intii uu socday kulanka oo ka dhacay Maktabadda Qaranka ee Boqor Fahad islamarkaana si toos ah looga baahiyay barta YouTube-ka ayaa Mr Sandel wuxuu afar dhalinyaro Sacuudiga u dhashay kala hadlay fekerka xorta ah iyo falsafada.
Sacuudiga oo ah dal aan laga oggoleyn in su'aalo laga keeno arrimaha la xiriira dhaqanka, siyaasadda iyo arrimaha kale ee bulshada, ayaa waxaa kulankan loo arkna mid aan caadi ahayn.
Xigashada Sawirka, Riyadh Philosophy Conference
Kulankan ayaa rikoor cusub u ahaa dhalinyaradii ka qeyb gashay
Mr Sandel ayaa dhaliyay dood laga yeeshay sida ay dowladdu u maareysay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Kaddibna wuxuu doodda u weeciyay su'aalo la xiriira in qofku uu difaaco amaba uu soo dhiibo qof ehelkiisa ah oo dembi galay.
Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegtay in cidna aysan sharciga ka sarreyn xitaa haddii uu yahay aabbaheed, isla markaana ay dhiibi doonto. Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay ayaa u sacabba tumay.
Sandel ayaa kaddib ka sheekeeyay sheeko ku saabsan boqor hore oo soo maray Shiinaha kaas oo ogaaday in aabbihiis uu dilaa yahay. Ku halqabsiga sheekadu waa wxa qof walbaa fahmi karo, iyadoo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ay eedeymo u soo jeedisay maxkamadda fekerka ee adduunka, isagoo dhowr jeerna dafiray ku lug lahaanshaha dilka weriyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji.
Marka laga hadlayo fekerka xorta ah, nin u dhashay dalkaas ayaa bishii loo xiray sababo la xiriira feker uu ku soo bandhigay baraha bulshada, iyadoo weriye Yemen u dhashayna dhowaan lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah. Sidoo kale xeer uu la yimid dhaxal-sugaha, ayaa waxaa xabsi ku muteystay muwaaddiniin Sacuudiga u dhashay oo isugu jira culimo waaweyn iyo dhalinyaro haween Sacuudiyaan ah oo isbeddel u ololeynayay ayna ka mid tahay Loujain al-Hathloul.
'Tallaabadii ugu horreysay'
Sandel ayaa BBC-da u sheegay inuu aad ula dhacay jawaabaha dhalinyarada kulanka ka qeyb gashay - oo midkoodna uusan hore u baran falsafada. Wuxuu sheegay inuu aad ula cajiibay baahida ay u qabeen doodda oo lagu soo qaatya s'aalo muhiim ah oo anshaxa la xiriira.
Mid ka mid ah gabdhihii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegtay in dooddu ay indhaha u furtay mowduucyo badan oo aysan hore u maqlin. Waxay BBC-da u sheegtay in fekerka xorta ah "uu muhiim u yahay nolosha bani'aadamka".
Xigashada Sawirka, Reuters
Jamaal Khaashuqji, oo lagu yaqaannay dhaleeceynta dowladda ayay shakhsiyaad Sacuudiga u dhashay ku dileen Istanbul sanadkii 2018
Wasiirkii hore ee waxbarashada dalka Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhawaaqay inay socoto isu diyaarinta in fekerka xorta ah iyo falsafadda lagu soo daro manhajka dalkaas. Wasiirka ayaa markaas kaddib xilka laga qaaday qorshooyinkaasna waxay u muuqdeen kuwo hakad galay.
Wasaaradda dhaqanka ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay dooneyso inay sameyso isbeddel iyadoo la imaaneysa hannaan cusub oo fekerka xorta ah.
Michael Sandel ayaa BBC-da u sheegay in shirka falsafada, iyo ka qeybgalitaankiisiiba, ay ahayd tijaabo.
"Haddii ka qeyb galayaashu ay ka tagaan shirka iyagoo sii wadaya doodda su'aalihii anshaxa ee aanu ka doodnay, waxaan u arkaa guul -ugu yaraan waa tallaabada koowaad. Waxaa la eegi doonaa waxa ay dowladdu oggoshahay." Ayuu yiri.