"Ma taqaan waxaan haweenka ku sameyno? Waan kufsannaa waana dilnaa"

Waa la jirdilaa, tacaddiyo galmo ayaa loo geystaa waxaana loogu hanjabaa kufsi inta ay ku jiraan gacanta booliiska.
Waa dhacdooyinka ay la kulmaan haweenka Myanmar ee ay la hadashay BBC-da.
Shan haween ah oo loo xiray dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee horraantii sanadkan ka dhacay dalkaas ayaa sheegay in tacaddiyo loo geystay lana jirdilay kaddib markii la soo xiray.
Magacyadooda waan beddelnay si loo dhowro ammaankooda.
Digniin: maqaalkan waxaa ku jira weedho lagu qeexayo tacaddiyada oo laga yaabo inaad dhibsato.
Tani yo intii ay militariga dalka Myanmar la wareegeen talada dalkaas bishii February, dibadbaxyo ayaa hareeyay dalkaas haweenka ayaana door muhiim ah ka qaatay dhaqdhaqaaqa iska caabbinta.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in inkastoo militariga Myanmar (oo sidoo kale loo yaqaanno Burma) ay adeegsadeen khiddadaha dadka lagu qasbo inay dalka ka tagaan, afduubka iyo tacaddiyadii hore u dhacay, haddana ay rabshaduhu kordheen tan iyo afgembigaas.
Taariikhdu markii ay ahayd December 8, 1, ilaa 318 qof oo rayid ah ayaa la dilay intii uu socday ugaarsiga militariga ee dhaqdhaqaaqa dimuqraaddiyad doonka ah, oo ay ku jiraan 93 haween ah, sida laga soo xigtay ururka aan faa'iido doonka ahayn ee xuquuqda aadanaha u dooda ee AAPP.
Ugu yaraan siddeed ka tirsan haweenkaas ayaa geeriyooday intii ay gacanta ugu jireen booliiska, afar ka mid ah ayaa jirdil ugu dhintay xaruntii su'aalaha lagu weydiinayay.
In ka badan 10,200 oo qof ayaa guud ahaan la xiray, waxaana ka mid ah in ka badan 2,000 oo haween ah.
Ein Soe May oo u doodda dimuqraadiyadda ayaa xabsi ku jirtay muddo ka badan lix bilood, iyadoo 10-kii maalmood ee ugu horreeyay ku qaadatay mid ka mid ah xarumaha dadka su'aalaha lagu weydiiyo ee ugu caansan Myanmar, iyadoo sheegtay in halkaasi loogu geystay tacaddiyo galmo iyo jirdil.
Soe May ayaa BBC-da u sheegtay in subaxaas, iyadoo dibadbaxaysa, la xiray laguna riday gaari qafilan.
"Mugdi ayay noqotay markii la i keenay [meel qarsoodi ah]. Indhaha ayaa la iga xiray waxaana la igu qasbay inaan ka weecdo waxyaabo aan arki karin markii aan u sii socday qolka wareysiga, iyagoo doonayay inay iga careysiiyaan," ayay tiri Soe May.
Saraakiishii qabtay ayaa su'aalo weydiiyay. Jawaab walba oo aysan jecleysan oo afkeeda ka soo baxda, waxay ku jawaabayeen inay la dhacaan bud.
Soe May ayaa sheegtay in cadaadis lagu saaray inay ka sheekeyso nolosheeda guurka ee u qaaska ah.
Mid ka mid ah raggii su'aalaha weydiinayay ayaa ugu hanjabay: "Ma ogtahay waxa aan ku sameyno haweenka halkan la keeno? Waan kufsannaa waana dilnaa."
Kaddibna waxaa lagula kacay tacaddiyo galmo iyadoo indhaha la xiran.
"Waxay hoos u jiideen funaanaddii aan xirnaa waxayna igu bilaabeen inay i taataabtaan, iyagoo i qaawinaya," ayay tiri.
Markii dambe indhaha waalaga furay waxayna aragtay mid ka mid ah raggaas oo kor u haya bistoolad.
Markii ay diidday inay xog ka siiso halka lagala xiriiri karo, waxay ku qasbeen inay afkeeda furto waxayna "afka u geliyeen bistooladda oo ay rasaas ka buuxdo," sida ay sheegtay.
Xarumaha wareysiga ee teendhada ka sameysan
Sida ay sheegtay Manny Maung, oo ah baare u dhalatay Myanmar oo la shaqeysa Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW, xarumaha wareysiga "waxay noqon karaan kuwo teendho ah amaba qol kor ka feydan amaba xitaa dhismooyin dadweyne oo aysan cidna degganeyn."
Arrintan waxaa sidoo kale xaqiijisay qareen ku sugan Myanmar oo la hadashay BBC-da, balse codsatay inaan magaceeda la shaacin sababo la xiriira ammaankeeda.
Waxay wakiil ka tahay dhowr maxbuus oo sidoo kale sheegay in la jirdilay isla markaana tacaddiyo galmo loo geystay xilli ay socdeen wareysiyadii lala yeelanayay.
"Mid ka mid ah macaamiisheyda ayaa si khaldan loo soo qabtay, balse waa la xiray si kastaba. Markii ay sheegtay inaysan ahayn qofka la raadinayo, waxaa lagu jirdilay ulbir ka sameysan oo dhow jeer lugaha looga dhuftay ilaa ay ka miyir beesho," ayay tiri qareenadda.
Haweeneydaas ayaa kaddib "loo diray xarun su'aalaha lagu weydiiyo halkaas, oo sida ay sheegtay, mid ka mid ah saraakiisha uu u sheegay in haddii ay isaga la seexato, uu sii deyn doono,"ayay intaas raacisay.
Qareenadda ayaa hannaanka sharci ee ka jira Myanmar ku tilmaantay mid aah caddeyn, iyadoo qareennada sideeda oo kale ah ay mararka qaar dareemaa inaysan awood lahayn.
"Waxaan isku daynaan inaan ka gadoodno [xiritaanka iyo su'aalo weydiinta], balse waxay inoo sheegaan in hannaanku uu yahay mid sharci ah isla markaana la soo amray wareysiyada."
Iyadoo aysan suurtogal ahayn in la xaqiijiyo sheekada Soe May, BBC-da ayaa la hadashay maxaabiista kale oo sheegay in la jirdilay tacaddiyo galmana loogu geystay xarumaha wareysiga.
"Waxay igu qasbeen inaan kor u taago saddexda farood [tan oo astaan iska caabbin ah ka ah Myanmar] muddo hal saac ah iyadoo sarkaalku uu timahayga jiidayo si uu ii baqdin geliyo," ayay tiri mid ka mid ah maxaabiista.
Haweeney kale, oo loo qaadayo xarun wareysi oo ku taalla xaafadda Shwe Pyi Thar, ayaa tiri: "Gabdhaha waxaa laga soo qaaday qolka; qaarkood ayaa soo laabtay iyadoo dharkoodu ay galuusyada u furan yihiin amaba xitaa ay ka go'a yihiin."
"War been abuur ah"
BBC-da ayaa sheekada Soe May la wadaagtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Myanmar jeneraal Zaw Min Tun, oo beeniyay in militarigu ay geysteen tacaddiyo, isagoo ku tilmaamay inuu yahay "war been abuur ah".
Horraantii sanadkan, ciidamada ayaa soo bandhigay sawirka haweeney maxbuus ah. Si xun ayaa wejiga looga garaacay ilaa heer la aqoonsan waayo. Sawirka ayaa aad u faafay.
Waxay weli ku jirtaa xabsiga iyadoo sugeysa in lagu soo oogo eedeymo ku saabsan sidashada hub.
BBC-da ayaa Zaw Min Tun weydiisay sababta aysan militarigu u qarin dhaawacyada.
"Waa wax dhaca marka dadka la soo xirayo. Waxay isku dayaan inay baxsadaan waana soo qabannaa," ayuu ku jawaabay.
Xabsi keliya
Tacaddiyadu keliya kama dhacaan xarumaha wareysiga ee qarsoodiga ah.
Haweeney u doodda xuquuqda dadka oo da'da 50-maadka ku jirta, oo ana ugu yeereyno Lin, ayaa BBC-da uga warrantay sida ay Xabsiga Insein ee Rangoon oo maran ugu jirtay wax ka badan 40 maalmood.
Lin xabsiga kuma aysan heysan waxba marka laga reebo dharka ay xirneyd, xitaa ma aysan heysan dawadii ay u baahneyd. Intii ay xabsiga ku jirtay way sii daciifeysay.
"Waxaan xabadka dhigan jiray dhulka oo mugdi ah waxaana ka welweli jiray inaa dhiman doono," ayuu yiri.
"Mararka qaar waxaan maqli jiray cabaadka iyo oohinta ka soo baxaysa qolalka ii dhow. Waxaan ka fekeri jiray qofka la garaacayo."
Lin ayaa dib u xusuusatay sida maalin maalmaha ka mid ah uu sarkaal ugu soo galay qolka isagoo ay la socdaan dhowr saraakiil haween ah.
"Markii ay sii baxayeen, waxaan ogaaday inuu ninku i duubayay," ayay tiri. Wuu beeniyay balse wuxuu u sheegay inaysan wax micno ah lahayn.
Manny Maung oo ah baare ka tirsan HRW ayaa BBC-da u sheegtay in arrintan ay inta badan ka dhacdo absiyada, ilaa 500 oo haween ah ayaa lagu guraa qolal loogu talo galay inay qadaaan keliya 100 maxbuus. Waxay ku qasbanaadaan inay qofba mar u oggolaadaan inuu hurdo maaddaama aysan dhammaantood isku xilli seexan karin.
Waxaa sidoo kale loo diidaa waxyaabaha fayadhowrka iyo nadaafadda la xiriira.
Maung, oo tagtay Xarunta Wareysiyada ee Shwe Pyi Thar, ayaa sidoo kale arrintan ku aragtay halkaas.
"Haweenka ka yimid xarumaha wareysiyada waxaa ku yaalla dhaawacyo aan reysan, qaarkood ayaa waxaa ku dhacday caadada mana loo oggolaan inay qubeystaan iyagoo toddoba maalmood xabsi ku jiray," ayay tiri.
Soe May, oo la sii daayay kaddib markii in ka badan 5,000 oo maxbuus la sii daayay October, ayaa sheegtay inay ka baqayso in mar kale la soo xiro.
"Waxaan ogahay inay mar walba jirto suurtogalnimada ah inay dib ii xiraan oo aan dhiman doono, balse waxaan doonayaan inaan dalkeyga wax u qabto," ayay tiri.
"Inkastoo aan badqad dareemeyn, waxaan doonayaa inaan sii wado inaan qeyb ka ahaado dhaqdhaqaaqan." Ayay tiri.