Nin Soomaali ah oo saaxiibkiis oo madaxweyne ku-xigeen noqday awgeed waxbarasho ugu noqday

  • Ismaaciil Buurgaabo
  • BBC Somali, Jigjiga
56 jir waxbarasho dib ugu laabtay
Qoraalka sawirka,

Cabdullaahi Yuusuf Kaariye, 56 jir waxbarasho dib ugu laabtay

Cabdullaahi Yuusuf Kaariye oo ah aabbe 56 jir ah oo ku nool magaalada Jigjiga ayaa dhowr iyo soddon sano kadib ku noqday waxbarshada. Waxaa ka mashquulisay korinta iyo waxbarista 11 carruur ah oo uu dhalay. Afar ka tirsan carruurtiisa ayaa haysta shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda.

Cabdullaahi wuxuu ku taamayay mar un in uu dib ugu noqdo waxbarashada. Sanadkii 1987 ayuu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Maamulaha waxay fasal-wadaag ahaayeen yaraantoodii

Sanadkii 2018 ayuu dib naqtiin ahaan ugu billaabay dugsi sare. Wuxuu ku biiray dugsiga sare ee Sheekh Cabdisalaan ee magaalada Jigjiga, halkaas oo uu maamule ka yahay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Axmed oo ay yaraantoodii fasal wadaag ahaan jireen Cabdullaahi Yuusuf Kaariye.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2021 ayuu dhibco-sare ku dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare, taasoo u sahashay in uu helo fursad waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah.

Cabdullaahi toddobaadkan ayuu iska diiwaan galiyay kuliyadda muhandasnimada ee jaamacadda Jigjiga.

Dib ugu noqoshadiisa waxbarashada

Cabdullaahi Yuusuf Kaariye, 56 jir waxbarasho dib ugu laabtay

Marnaba isma dhimin xiisihii kureynimadkiisa ee uu u qabay waxbarashada, maskaxdiisana kama bixin mansabka ay gaareen qayrkii, gaar ahaan kuwa ay u suurtagashay in tacliintooda ay durugsadaan. Mar uu ka warramayay sababta ugu weyn ee ku kalliftay Waxbarshada da'daa uu ku billaabay ayuu BBC-da ku yiri:

"Rag badan oo maanta mas'uuliyiin ah oo deegaanka ah ayaan isku galaasyo ahayn. Mowliid Xayir oo madaxweyne ku-xigeen soo maray baa ka mid ah. Markaan arkay raggii loodkeyga ahaa oo hay'ado wada haysta oo madaxweyne ku-xigeen qaar ay soo mareen ayaa igu dhiiragelisay in aan mar labaad waxbarashada dib ugu noqdo."

Afartii sano ee dugsiga sare waxay Cabdullaahi wada kallihi jireen Cabdiraxmaan oo ah da'da shanaad ee carruurtiisa, fasalka sagaalaad ilaa kan labo iyo tobnaad ayay wada dhigteen.

Cabdullaahi Yuusuf Kaariye, 56 jir waxbarasho dib ugu laabtay

"Inkastoo maalmihii ugu horreeyay aan xishoon jiray, haddana gadaal baan kala qabsaday, oo wuxuu ii ahaa saaxiib, marmarna macallin, markaan guriga tagnana aabbo. Waxaan rajaynayaa in aan jaamacadda wada dhameysanno, xitaa isaga ayaa iga dhibco sarreeyay oo 561 dhibcood ayuu keenay anna 442," ayuu yidhi Cabdiraxman Cabdullaahi Yuusuf oo BBC-da la hadlay.

Cabdullaahi Yuusuf Kaariye oo aan hadda wax shaqo ah hayn, hammigiisu waa kolka uu waxbarashada jaamacadda dhameysto in uu ka mid noqon doono howlwadeennada ceelasha shidaalka ee deegaanka, maaddaama uu damacsan yahay in uu barto cilmiga loo yaqaanno Petroleum Engineering.