Doorashada ku xigeenada Baarlamaanka

Shariif xasan Shiikh Aadan
Image caption Shariif waxaa dhawaan loo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ka hadlay doorashada.

Guddoomiyaha oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in uu rajeynayo in maalmaha soo socda uu qabsoomi doono Kulanka lagu dooranayo Guddoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka.

Shariif wuxuu sheegay in uu filayo marka uu la kulmo Guddiga Doorashada ayna isla meel dhigi doonaan Waqtiga rasmiga ee uu qabsoomayo Kulanka lagu dooranayo Guddoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka