Roob khasaaro geystay oo ka da'ay Carmo

Qariiradda Soomaaliya
Image caption Qariiradda Soomaaliya

In ku dhow 30 guri ayaa dumay dad gaaraya 5-qofna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii galabta uu roob xoog leh oo dabaylo wataa uu ka da'ay degmada Carmo oo 90km u jirta magaalada Bosaso.

Laba qof oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in xaalkoodu adag yahay kadibna loola cararay magaalada Bosaso hase ahaatee aanay suuragelin in halkaas la gaarsiiyo togag waawayn oo u dhexeeya Bosaso iyo Carmo oo ay daadad xoog lihi ku soo rogmadeen awgeed waxaa kale oo daadadkaasi ay xayireen gaadiid fara badan oo u socday iyo kuwo ka yimi dhinaca Bosaso.

Yuusuf Suudi Cabdi oo ka mid ah masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka oo hadda ku sugan degmada Carmo ayaa BBCda u sheegay in haweeney iyo carruurteedii uu ku dumay aqalkii ay degganaayeen halkaas oo ay hooyadii ku dhaawacantay hase ahaatee carruurii ay ka badbaadeen.

Dabaylaha roobkan la socday ayaa dumiyey baallayaasha koronta iyo kuwa telefoonada ee magaalada hase ahaatee hadda ay joogsadeen roobkii iyo dabaysha, xaaladduna ay caadi ku soo noqotay.