11 ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Muqdisho

Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Image caption Askar ka tirsan ciidamada dowladda ku meelgaarka ah.

Ugu yaraan 11 qof, oo isugu jira kooxihii dagaalamay iyo dad rayid ahba, ayaa ku dhintay magaalada Muqdisho kadib markii saaka aroortii hore, ay xooggagga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dawladda KMG ee Soomaaliya weerareen fariisimo ay ciidamada dawladdu ku leeyihiin xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Muqdisho.

Dagaalka oo hubkii la isugu adeegsaday si weyn looga dareemay caasimadda oo dhan, isla markaana dadka ku nool agagaarka goobtii lagu dagaalamay baqdin weyn galiyey, ayaa ilaa hadda waxaa soo baxaya khasarihii dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay.

Inkastoo inta badan ay adag tahay in la ogaado tirada ka dhimata xoogaga dagaalamaya sida askarta dawladda iyo kuwa ka soo horjeeda.

Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa sheegay in dagaalkani uu dhacay iyadoo in muddo ah dadka Muqdisho ay ka nasteen dagaaladii caadiga noqday intii badneyd ee sanadkan.