Ethiopia oo

Sida uu sheegay afhayeenka ismaamul-goboleedka Soomaalida ee Ethiopia,waxaa dacwado ka dhan ah ay ku soo oogayaan 16 xubnood oo ka tirsan ururka ONLF oo qurbaha degan.waxaana xubnhaas ONLF loo haysto oo maamulku ku dacweynayaa dilal la sheegay in jabhadu u geysatay qoysas degan gobolka.

Wariyaha BBCda Abdirisaaq Catoosh, ayaa arrimahaas ka wareystay madaxa xafiiska warfaafinta ee Dowladda deegaanka Soomalida ee Itoobiya, Guuleed Casoowe,

Wasiirka deegaanka, ayaa sheegay in cid kasta oo dambi ka gashay muwaadiniinta iyo dadka dowladda deegaanka Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan ay halkiisa ku dacwayn doonaan.

Wuxuu sheegay in ay dalbanayaan in dalalka ay joogaan maxkamad lagu saaro ama loo soo musaafuriyo Ethiopia si ay iyaguna u maxkamadeeyaan.