Maalintii Ingiriiska iyo Jarmalka

Kooxda England iyo tababarahooda
Image caption Kooxda England iyo tababarahooda

Maantay waxaa qorsheysan affar ciyaar oo ka kala tirsan wareegyada C iyo D.

Labada ciyaar ee khuseeya wareega C waxaa kulamadooda ey dhicidoonaan galabta saacadda bariga Afrika marka ey tahay shanta galabnimo.

Kulan waxa uu ka dhici doona gegida kubbada cagta Nelson Mandela Bay Stadium ee magaalada Port Elisabeth. Waxaa uu dhex mari doona xulka Slovenia iyo xulka Ingiriiska.

Kulanka kalena waxaa isla saacadaas uu ka dhici doona gegida kubbada cagta Loftus Versfeld Stadium ee ku taal magaalada Pretoria, halkaas oo ey isku arki doonaan kooxaha Mareekanka iyo Algeria.

Guruubkakan, waxaa affar dhibcood ku hoggamineysa Slovenia, Ingiriiska iyo Mareekanka waxa ey leeyihiin min labo dhibcood. Algeria waxa ey leedahay dhibic kaliya.

Labada ciyaar ee kale ee ka tirsan group D waxaa kulamadooda ey isku mar qabsoomi doonaan sagaalka iyo barka habeenimo saacadda Geeska Afrika.

Ciyaarta ka dhici doonta gegida kubbada cagta Mbombela Stadium oo 6 km u jirta magaalada Nelspruit, waxaa ey dhexmaridoonta Australia iyo Serbia. Iska horimaadka kalena waxaa lagu qabandoona gegida Soccer City Stadium ee ku taal magaalada Johannesburg halkaas oo ey ku kulmidoonaan Ghana iyo Jarmalka.

Wareegakan, Ghana ayaa affar dhibcood ku hoggaamineysa, Jarmalka iyo Serbia waxa ey leeyihiin min saddex dhibcood, hal dhibicna waxaa leh Australia.