3 ku dhimatay dagaal Muqdisho ka dhacay

Image caption Askari ka tirsan ciidamada dowladda ku meelgaarka ah.

Inta la ogsoon yahay ilaa 3 qof ayaa ku dhimatay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal saakay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada hoowl-wadaag ee magaalada Muqdisho. Dagaalka, oo u dhaxeeyay ciidamada doowladda iyo xooggaga al-Shabaab ayaa bilowday kadib markii ciidamada doowladda taabacsan ay ku sikadeen suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, iyagoo tagay isgoyska howl-wadaag inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen. Arrintani waxa ay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa suuqa Bakaaraha.