Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirinta codaynta Somaliland oo dhamaatay

Image caption Maalintii cod bixinta Somaliland

Gudiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in guud ahaan la soo gebogabeeyay hawlihii tirinta codadka ee degmooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Ciise yuusuf Maxamed ayaa BBC-da maanta u sheegay in haatan ay bilaabeen dhegeysiga wixii cabashooyin ah ee xisbiyadu u soo gudbiyeen, gaar ahaan wuxuu guddoomiyuhu sheegay, cabashooy in ay sanaadiiqda degmooyinka qaarkood ka qabaan xisbiga UDUB, taasoo uu caddeeyay inay baadhayaan. Dhinaca kalena, culimada diinta ee gobollada Somaliland ayaa shacabka iyo gudiga doorashadaba ku ammaanay siday u dhacday codeyntii doorashada ee 26ka june.

Waxay culimadu ugu baaqeen 3da musharax ee ku tartamay doorashada, in murashaxii cod bata natiijada guddiga doorashadu soo saarto loo hambalyeeyo. Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa, isagoo wareystay Culimada diinta qaarkood ee baaqa soo saaray.