Queen Elizabeth oo ka hadashay QM

Queen Elizabeth
Image caption Boqoradda Britian, Queen Elizabeth, oo ka hadleysa fadhiga Qaramada Midoobay

Boqorada waddankan Britian, Queen Elizabeth, ayaa ku soo gabagabeysay socdaal ay ku mareysay Waqooyiga America, booqasho ay ku tagtay xaruntii burburtay 11 Spetember 2001, ee ganacsiga adduunka ee New York.

Boqoradda, ayaa halkaasi kula kulantay qaar ka mid ah ehelada dadkii ku dhintay weeraradii Mareykanka lagu qaaday sanadkaasi.

Queen Elizabeth, waxa ay khudbad ka jeedisay fadhiga giolaha Qaramada Midoobay markii ugu horeysay muddo ka badan konton sano.

Waxa ay ku baaqday in dalalka caalamku iska kaashaadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka argagaxisada iyo isbeddelka cimilada.