UK oo bogaadisay doorashada Somaliland

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron
Image caption Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron

Ra'iisal Wasaaraha Britian, David Cameron, ayaa soo dhoweeyay doorashada Somaliland ee sida habsamida ah u qabsoontay.

Raiisal Wasaaraha oo ka jawaabayay su'aal lagu weydiiyay Baarlamaanka Britian, gudhiisa, oo ah bal in uu Somaliland ugu hambalyeynayo doorashada, waxaa uu intaa ku daray, in dowladda Britain ay gacan dhaqaale ka geysatay kormeerka doorashada, isla markaana uu diyaar u yahay in uu la macaammilo dowladda cusub.

Ra'isal Wasaaruhu wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay ku taal gobol ammaanka Britain saameyn weyn ku leh.

Arrinta muhiimka ah waxay tahay, ayuu yiri David Cameron, in argagixisada laga hor istaago in ay Somaliland u degto sida ay Somalia u degtay oo kale.

Waan sii wadi doonnaa ayuu yiri Raiisal Wasaaraha Britain la macaammilka Somaliland.

Su'aasha Alun Michael

Ra'iisal Wasaaruhu waxaa su'aasha lagu weydiiyay kulankiisa baarlamaanka oo Arbaca kasta ay mudanayaashu su'aashii la gudboon ay wedyiiyaan isagauna uu halkaa uga jawaabo.

Barnaamijkaa oo loo yaqaan Prime Minister Question time waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka BBC Parliament.

Su'aashan ku saabsan Somaliland waxaa weydiiyay Mudane Alun Michael, oo ku tilmaamay in Somaliland ay horseed u tahay Dimuqraadiyadda Afrika ku dhowaad labaatan sano.

Wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha weydiiyay, bal in uu isna u hambalyeynayo dadka reer Somaliland, doorashada sida hambsamida leh u qabsoontay ee ay suurta geliyeen.