Soomaali iyo Sudanese qaxooti ah oo dagaallamay

Qaxooti Soomaali ah
Image caption Xerada Dhadhaab waxa ku nool tobanaan ku oo Soomaali ah

Isku dhacyo u dhexeeya qaxootiga Soomaalida iyo Sudan ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Xagar dheere ee waqooyiga galbeed ee waddanka Kenya.

Wararka ka imaanaya Dhadhaab ayaa sheegaya in dagaalka u dhexeeya qaxootiga Soomaalida iyo Suudaan uu bilowday markii la helay meydkii wiil Sudanese ah.

Qaar kale ayaa wararku sheegayaan in la dhaawacay.

Hey'adda qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in xiisaddu ay aad u sareyso xerada Xagar dheere.

Dadka xerada degan ayaa ka daadgureynaya carruurta iyo haweenka xaafadaha ay isku dhacyadu ka dheceen.

Dhadhaab waa mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ugu weyn caalamka, waxaana ku nool kumanaan Soomaali iyo Sudanese ah.