Tarzan waa Duqa Muqdisho

Maxamuud Axmed Tarzan
Image caption Duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarzan

Xaflad ka dhacday maanta Muqdisho ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, kula wareegay Maxamuud Axmed Nuur-Baadi oo loo yaqaan Tarzan.

Tarzan, oo ka soo jeeda xaafadda Camden ee magaaladan London wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn ololaha ka dhanka ah uga sameeyay magaaladan markii ay ciidammada Ethiopia soo galeen Soomaaliya.

Wuxuuna ka mid noqday dadkii magaca dibad joogga ku galay Isbahaysigii ARS ee lagu sameeyay Asmara, ugu dambeyntiina wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Soomaaliya markii tiradiisa lagu laba laabay magaalada Djibouti. Tarzan markiisii hore wuxuu Kubadda Koleyga u cayaari jiray Naadiyada heerka Koowaad ee Soomaaliya.

Su'aasha weyni waxay tahay waxa uu awoodo in uu ka qabto magaalada Muqdisho oo kala qeybsan, inta badan laga qaxay, isla markaana ay dadku ku dhimanayaan madaafiic intooda badani ay ka soo dhacdo degaanka Dowladda iyo AMISOM.