Spain oo u dabaaldageysa koobka adduunka

Koobka adduunka
Image caption Koobka Adduunka

Dadka Spain ee jooga caalamka meel walba ayaa xalay dhan dabaaldegayay kadib markii kooxdoodu ay ku guuleeysatay koonka adduunka, oo ay kaga adkaatay 1-0 kooxda Netherlands.

Dad tiro badan oo Spanish ah ayaa isugu soo baxay iyagoo heesaya, qaarna cayaaraya, magaalooyin kala fog sida Islamabad iyo Buenos Aires.

Waa markii ugu horeysay ee Spain ay ku guuleeysato koobka adduunka.

Tababaraha kooxda Spain Vicente Del Bosque ayaa sheegay in guushu ay abaalmarin u tahay cayaar wanaagga.

Kooxda Spain ayaa la filayaa in maanta gelinka danbe ay soo gaaraan magaalada Madrid, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Waxaa ay socod ku mari doonaan magaalada, iyaga oo saaran bas kor ka furan.