Ugu yaraan boqol qof oo lagu xiray Kenya

Xaafada Eastleigh
Image caption Xaafada Eastleigh

In ka badan boqol qof oo Soomali ah ayey booliska Kenya ku xireen caasimada Nairobi, howgal ay boolisku ka fuliyeen xaafada Easleigh ee Somaalidu ku bandantahay.

Howgalkan ayey boolisku waxay sheegeen in ay ku baadi goobayeen dadka sida sharci darada ah u galay Kenya. Howgalkan ayaa dhacay maalmo ka dib markii Axaddii hore qarax lala beegtay, dad ku daawanayey ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka koobka adduunka magaalada Kampala ee Caasimada ee Uganda. Waxaa halkaas ku dhintay dad kor u dhaafaya 70 qof. Ma cadda in si toos howgalkan uu ula xiriiray qaraxa ka dhacay Kampala oo massuuliyadiisu ay sheegatay kooxda Al-shabaab, balse Kenya ayaa qaraxaasi ka dib sheegtay in ay gacan ka siinayso Uganda dhinaca baaritaanada lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay qaraxaasi. Bishii January ee Sannadkan Sarakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen boqolaal Somali ah oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ee Soomalia, ka dib markii mudaaharaad ka dhacay masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi ay ka dhasheen rabshado ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen.