Uganda oo diyaar u ah kordhinta ciidankeeda jooga Soomaaliya

Mid ka mid ah goobaha la qarxiyay ee Uganda
Image caption Mid ka mid ah goobaha la qarxiyay ee Uganda.

Uganda, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaaliyaal ilaa laba kun gaaraya u dirto Soomaaliya inkastoo ay jirto halis ka imanaysa kooxda Islaamiyiinta Xagjirka ah ee Soomaaliya oo weeraro dheeraad ah gaysan kara hadii nabad ilaaliyayaasha aan laga saarin Soomaaliya, sidaas waxaa maanta wakaaladda wararka ee Reutrers u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada.

Afhayeenka Felix Kulayigye, ayaa sheegay in hadii loogu baaqo in ay ciidamo xoog leh u diraan Soomaaliya, ay diyaar u yihiin in ay diraan laba kun oo dheeraad ah.

Uganda, waxaa Soomaaliya ay u dirtay qaybta ugu badan ee ciidamo 6100 gaaraya oo la geeyay Soomaaliya.

Dalalka isbahaysiga gobolka, ayaa ballanqaaday in la diro laba kun oo askari oo dheeraad ilaa bartamaha bisha August.

Afhayeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku joogaan fasaxa midowga Africa si ay u caawiyaan Soomaalida, isagoo intaas ku daray in al-Shabaab aysan wax cabsi ah ku abuuri doonin.

Burundi ayaa sidoo kale ciidamo ay ka joogaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo qayb ka ah ciidamada midowga africa ee ilaaliya madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, dekedda iyo goobo kale oo dowladda ku meelgaarka ah ay leedahay.

Burundi, waxay iyaduna sheegtay in aysan u jixin jixin doonin cadaadiska al-Shabaab, ayna ciidamadeeda oo gaaraya 2,500 askari ay Soomaaliya sii joogi doonaan.