Qoddobada waaweyn ee shirka AU

Madaxda africa oo maalintii 2aad shirsan
Image caption hogaamiyayaasha Africa oo maanta ka hadlaya somalia iyo sudan.

Hoggaamiyeyaasha Afrika waxay maanta oo ah maalintii labaad ee shirku uga socda kampala ay ka tashanayaan qodobo waaweyn oo muhiim ah.

Waxaa ka mid ah wax ka bedelidda awooda ay ku hawlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee Somalia iyo sidii Africa mawqif mid ah uga qaadan lahayd go'aankii maxkamadda ICC ee ahaa in la soo xiro Madaxweyne al-bashir.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee DKMG ee Somalia, Cabdirisaaq Cusmaan Jurille, oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Somalia ee ka qeybgalaya shirka ayaa ii sheegey in maanta ay socdaan kulamo gooni gooni ah oo xaalada Somalia ku saabsan.

Madaxda Africa waxay ka fiirsanayaan go'aanadii hogaamiyayaasha IGAD ee ahaa in ciidamo kale loo diro somalia,iyo sidii dalal kale oo africa ah ay u balalanqaadi lahaayeen ciidamo loo diro somalia.

ICC iyo Africa

Qodobka kale ee muhiimka ah ee madaxda AU ay maanta sida weyn uga fiirsanayaan waa in africa oo dhan ay mowqif cad oo ay ku mideysan tahayn ka qaadato in aysan taageerin go'aankii maxkamadda ICC ee ahaa in loo xiro Madaxweyne Al-bashir dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka darfur ee Sudan.Madaxda Africa ayaa ku tilmamay go'aankaas ICC meel ka dhac inuu ku yahay hogaamiye dadkiisu ay doorteen.