Dastuurka dalka Kenya

Taageerayaasha Dastuurka cusub ee Kenya
Image caption Taageerayaasha Dastuurka cusub ee Kenya

Todobaadka soo socda dalka Kenya waxaa ka dhici doonta afti loo qaadayo dastuur cusub oo la doonayo in lagu badalo kan hadda ka jira Kenya.

In la badalo dastuurka, waxay qeyb ka mid ahaydahayd heshiis ay beesha caalamka taageertay, oo lagu soo afjaray rabshado uu dhiig badan ku daatay, oo ka dhashay doorasho natiijadeeda la isku khilaafay laba sanno ka hor.

Dastuurka cusub, oo ay taageerayaan Madaxweynaha dalka Mwai Kibaki iyo Raisal Wasaaraha Raila Odinga, ayaa waxaa uu si weyn wax uga badalayaa awoodda madaxweynaha, qaabka loo qeybsanayo kheyraadka waddanka, waxa uuna abuurayaa aqal cusub oo senate-ka iyo dowladdo hoose oo awoodooda la xoojiyey.

Dowladaha hoose, ayaa waxay xaq u yeelan doonaan boqolkiiba 15 dhaqaalaha waddanka, waxay sidooo kale yeelan doonaan barlamaan u gaar, iyadoo madaxweynuhuna uu awoodda la qeybsan doono baarlamaanka iyo aqalka senate-ka.

Waxaa sidoo kale laga taxadaray qaabka loo xalinayo khilafaadka ka dhasha doorashooyinka, waxaana uu ku tallinayaa dastuurka cusub in la sameeyo maxkamad gaar ah, oo xalisa khilaafaadka doorashooyinka, iyadoo aanan xil loo dhaarin doonin madaxweyne inta laga xalinayo khilaafka.

Hase yeshee, habkan ma aha hab federaal ah, oo waxa weli inta badan go'aanka yeelanaya dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo madaxweynaha, xubanaha loo magacaabayo golaha wasiiradana, waxay ka imaan doonaan baarlamanka dibediisa.

Image caption Kooxaha ka soo horjeeda Dastuurka Kenya

Dadka diidan dastuurka cusub, waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Moi, oo isagu waddanka xukumayey 24 sanno.

Doorashadii ugu dambeysay ee 2007-da ka dhacday Kenya, waxaa ka dhashay rabshado socday 2 bilood, oo ay ku dhinteen in ka badan 1000 qof.

Rabshadahaasi, waxaa lagu soo afjaray heshiis awood qeybsi ah, oo ay wada gaareen Madaxweyne Kibaki iyo Raisal Wasaare Odinga.

Kenya, halgan xooggan oo lagu doonayey in lagu badallo dastuurka, ayaa ka socday tan iyo horaantii sagaashameedyadii, 2005-tiina afti loo qaaday dastuur cusub ayey shacabku diideen.