Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar Soomaali oo la kulantay Obama

Image caption Najma Axmed Cabdi oo suaal waydiinaysa Madaxweyne Obama

Koox hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwo dimoqraadiyadda u ololeeya, qaar xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa iyo sakhsiyaad ganacsato ah ayaa Aqalka Cad ee magaalada Washington isugu tegay shirweyne labo maalmood ah si ay uga wada xaajoodaan hoggaaminta iyo arrimo kale.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, su'aalaha la weydiiyay madaxweyne Obama waxaa ka mid ahayd " Maraykanku diyaar ma u yahay inay taageero dhinaca dhaqaalaha iyo niyadda ah siiyaan Soomaaliya dadka ka shaqeynaya dimoqraadiyadda" taasoo ay soo jeedisay gabar Somaali ah, Najma Ahmed Abdi, oo ka tirsan urur la yiraa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhallinta yar oo ka jira dalka Ingiriiska.

Dhallinyaradan oo tiradoodu dhan tahay 115 qof, kana kala yimid in ka badan 40 waddan oo Afrika ka tirsan, waxaa Aqalka Cad ku qaabilay madaxweyne Obama muddo saacad ah, waxaana uu madaxweynuhu ka jawaabay su'aalo ay halkaas ku weydiiyeen dhallinyaradan oo lagu magacaabay hoggaamiyeyaasha da'da yar ee qaaradda Afrika.