Campbell iyo Taylor

Naomi Campbell, oo ah model ayaa la hor keenay Maxkamadda Caalamiga ahe ee Dembiyada ICC si ay ugu markhaati furto Madaxweynihii hore ee Libera, Charles Taylor.

Image caption Dadkii ka casheeyay Guriga Mandela 2007.

Ms Cambell waxaa u yeertay Dacwad Oogayaashaasha oo rajo ka qabay in ay caddeyso in Taylor uu iyada siiyay dheemman markii isaga oo Madaxweyne ah ay ku kulmeen guriga Mandela ( oo isaguna markaa Madaxweyne ahaa) 2007.

Ms Campbell, waxay qirtay in ka dib markii ay Taylor, Mandela iyo dad kale (sida sawirka ka muuqatay) ay ku wada casheeyeen guriga Mandela, habeen barkii ay laba nin ku soo garaaceen oo siiyeen haddiyad aanay u sheegin cidda u soo dhiibtay.

Naomi Campbell waxay Koofur Afrika u tagtay in ay lacag u ururiso Urur Samafal ah oo Mandela sameeyay oo carruurta u gargaara.

Sannad walba waxay ururkaas ugu deeqdaa $50,000 (konton kun oo dollar).