Dagaal ka dhacay deegaanka Galgala ee Puntland

Wasiirka Amniga Puntland
Image caption Wasiirka Amniga Puntland, Yuusuf Axmed Khayr

Ciidan ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, ayaa saaka weerar ku qaaday kooxo ay ku tilmaameen Islaamiyiin xagjir ah oo ku sugan deegaanno ku dhow magaalada Bossaso.

Labada dhinacba, waxay sheegeen in ay khasaare u geysteen dhinaca kale, Hase ahaatee, majiraan, warar madax-bannaan oo arrintaas xaqiijinaya.

Image caption Ciidanka Puntland

Axmed Cabdi Nuur, ayaa Khadka telefoonka kula xiriiray, Wasiirka Amniga ee Puntland, Yuusuf Axmed-Kheyr, waxaana uu marka hore weydiiyay, goobaha ay dagaalladu ka dhaceen. Waxaanu ku jawaabey.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhinaca kale waxaanu la xiriirnay, Afhayeen ka tirsan, Ciidanka degaanka oo magaciisa noogu sheegay Cabdillaahi Axmed Faarax. Axmed Cabdi Nuur ayaa, Khadka telefoonka ku weydiiyey, sida wax u dhaceen. waxaana uu ku jawaabay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Labada wakiil, ayaa mid walba iskii guulo uga sheegaya dagaalka.

Maamulka Puntland ayaa ku adkaysanaya in ay la dagaalamayaa koox islaamiyiin ah oo xiriir la leh al-Shabaab.