Baaq odoyaal ka soo saareen dil ka dhacay Muqdisho

Maxamed Xasan Xaad
Image caption Maxamed Xasan Xaad waa guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka hawiye

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho, ayaa cambaareeyay dilka Maxamed Tahliil Warsame oo horay uga tirsanaan jiray Midowgii maxkmadaha Islaamka, ee mar uu guddoomiyaha ka ahaa Madaxweynaha xilka haya Shariif Shiikh Axmed.

Maxamed Tahliil Warsame, ayaa shalay lagu dilay deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Odayaasha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa dilkiisa ka hadlay maanta iyaga oo cambaareeyay.

Maxamed Xassan Xaad, guddoomiyaha odayaasha dhaqanka oo ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheegay in Maxamed Tahliil ahaa nin ku hawlan nabadda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in maalin walba la dilo qof bulshada kaalin muuqata kaga jira.

Mudane Xaad waxa uu sheegay in arxuumka hawshiisii ugu danbeysay ee uu hadda waday ay ahayd dhisitaanka masaajid cusub oo qabyo u ahaa.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu uga tacsiyeeyay ehelada uu ka geeriyooday.