Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqaynta Jimcaha

Waxaa dhowaan magaalada Virginia ee dalka Maraykanka ka dhacay shirwayne ay isugu tageen dhalinyarada waqooyiga Ameerica. Waxaa looga hadlayay arrimaha ku saabsan dhalinyarada.

Barnaamijka Falayqaynta Jimcaha, ayaa hadaba waxaanu kaga doodaynaa dhibaatooyinka kala duwan ee dhalinyarada qurbaha jooga, ku dhashay ama ku koray.

Qaar badan, ayaa dhalinyarada ku sugan dalalka Europe iyo Maraykanka, waxay ku lug yeesheen falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga maadooriyayaasha iyo dambiyo kale oo ay ku jiraan ka qaybgalka ama ku biiridda ururo argagixiso, sida qaar lagu eedaynayo in ay ka tageen Maraykanka iyo Europe oo ay ku biireen kooxo ay ka mid yihin al-Shabaab.

Inkastoo ay jiraan dhalinyaro badan oo iyaguna ku dadaala waxbarashada ama haya howlo ay ku maareeyeen nolol maalmeedka qoyskooda iyo qaraabadooda, hadana inta badan dhalinyarada da'doodu ka yar tahay sodonka sano iwm, ayaa dalal badan oo Europe ah waxay ka buuxaan xabsiyada iyagoo loo soo xiro dambiyo kala duwan.

Weriyaha BBC, Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa barnaamijka ku eegaya maxaa keenay dhibaatooyinka horseeday dhalinyaradu in ay ka buuxsamaan xabsiyada? maxaase xal u noqonaya.

Waxaa barnaamijkan ka qaybgalaya Zeynab Aadan oo qoraa ah, Ingineer Muqtaar Cusmaan, Sheekh Maxamed Shakiib Cabqari, oo ah imaam Soomaaliyeed oo la taliye ka ah arrimaha qoyska iyo Cumar Xaashi oo la shaqeeya dhalinyarada gobolka Ohio, iyo qaar kale.