Dagaal culus oo ka socda Muqdisho

Dagaalka Muqdisho
Image caption Shabaab

Dagaalkii ka socday magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay maalintii saddexaad.

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay in ka badan boqol qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa xoogagga xarakada al-Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Afrika ee AMISOM.

Inta bada magaalada Muqdisho goobaha ganacsiga, iyo iskuulada waa xiran yihiin dukheyn culus oo socota awgeed.

Meydadka ayaa dadku ku aasayaan meel kasta oo ammaan ah oo ay heli karaan.

Jidka Maka al-Mukarama ayaa dagaalku saameeyay.