Dagaalka magaalada Muqdisho

Shabaab
Image caption Shabaab ridaya hub culus

Dagaal culus ayaa maanta mar kale dib uga bilowday magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Shabaab ayaa waxa uu ka biloday degamada Boondheere.

Hub culus ayaa labada dhinac ay ku adeegsadeen dagaalka.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka maanta uu geystay.

Magaalada ayaa xalay iyo saaka degeneyd, inkastoo ay dadku qabeen cabsi ah in mar kale uu dagaalku bilowdo.

Dagaallada Muqdisho oo galay toddobaadkii labaad ayaa waxa labada dhinac mid walba uu sheeganayaa in guullo uu ka gaaray.