Sagaal ku dhimatay Muqdisho

Dad ka qaxaya  dagaaladda Muqdisho
Image caption Dad ka qaxaya dagaaladda Muqdisho

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn galinkii danbe ee maanta lagu garaacay suuqa Bakaaraha sida ay BBCda u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa suuuqa.

Dagaalada Muqdisho ka jiray 12 kii saacadood ee u danbeeyay waxaa ku dhintay ugu yaraan shan iyo tobban ruux soddon iyo lix kalena waa ay ku dhaawacmeen. Goor dhaweyd laba gaari oo minibus ah oo ah kuwa gaadiidka dadweyanaha ayaa waxaa ay miino kula qaraxday meel u dhaxeysa kulliyada Jaalle Siyaad iyo Xaruntii wasaarada gaashaandhiga, dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dad rayid ah oo badan in kastoo aan weli tirada rasmiga aaney soo bixin.