La Ciid BBC

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ciid Wanaagsan
Image caption Ciid Wanaagsan

Munaasabadda Ciidda awgeed, ayaa BBC waxa ay ugu talagashay dhageystayaasha inay kala qeybgalaan barnaamij ay ugu talagashay inay eheladooda iyo asxaabtooda ay ku salaamaan.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale ka qeybgalaya fanaaniin caan ah oo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, Xasan Aadan Samatar, Faadumo Qaasim Hilowle, K'naan Cabdi Warsame, Kaltuum Bacado, Cali Seenyo iyo Cabdifataax Yare.

Munaasabadda ciida awgeed ayaa Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu salaan u diray umadda reer Djibouti iyo guud ahaan umadaha muslimiinta caalamka.

Dadka muslimiinta ayaa maanta si weyn u ciidaya munaasabadda ciidul Adxa, iyadoo dadka oo faraxsan ay isugu soo baxeen wadooyinka iyo goobaha lagu cibaadeysto ee daafaha caalamka oo dhan.

Goobaha sida weyn looga ciiday waxaa ka mid ah magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Djibouti, Gaarisa iyo Nairobi.

Dadka ayaa waxay isugu soo baxeen goobaha lagu cibaadeysto iyagoo salaadda ciida ay ku tukadeen masaajidda waaweyn ee magaalooyinkaasi.