Hay'ada cusub ee dumarka ee Qaramada Midoobay

Michelle Bachelet iyo Banki Moon
Image caption Michelle Bachelet iyo Banki Moon

Madaxweynihii hore ee Chile Michelle Bachelet, ayaa loo doortay inay madax u noqoto hay'ad cusub oo Qaramada Midoobay oo ka shaqaysa sinaanta ragga iyo dumarka.

Hayada ayaa waxaa hoos iman doona afar haya'adood ee Qaramada Midoobay oo ka shaqeeya Dumarka iyo xaquuqdooda.

Michelle Bachelet ayaa noqotay madaxweynihii ugu horeeyay ee Dumar ah dalka Chile, waxayna xukunka haysay afar sano ilaa bishii Maarso sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa sheegay in uu ku kalsoon ayhay Michelle Bachelet hogaankeeda lagu hor marinayo nolosha malaayiin dumar iyo gabdho ee adduunka.