Kalsoonida xukuumada iyo dagaalka Muqdisho

Raiisalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid
Image caption Raiisalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid

Kulan ay maanta Baarlamaanka isugu imaadeen ayaa laga dooday, in cod kalsooni loo qaado dowladda iyo in kale.

Inta uu shirka socday duqayn ayaa socotay Muqdisho, inta la ogyahay waxaa dhimatay afar iyo toban qof konton kalena waa dhaawac sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdega.

Dood dheer kadib, waxaa cod loo qaaday inta doonaysa in kalsoonida xukuumada loo qaado.

Cod qaadistii kadib ayaa gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, wuxuu ku dhawaaqay in kulanka maanta ay joogeen sadex boqol oo xildhibaan.

Laba boqol iyo sagaashan iyo lix ka mid ah ayaa u codaysay in xukuumada ay soo waydiisato codka kalsoonida.

Saddex qof ayaa ka horjeesatay, hal qofna waa uu ka aamusay.

Maalinta Sabtida ayaa loo qabtay in ay xukuumadu cod kalsooni soo waydiisato.

Si uu u helo Raiisalwasaaraha Cumar Cabdirashiid kalsoonida Baarlamaanka, oo ay xukuumadiisa u sii shaqayso wuxuu u baahan yahay in ka badan 276 cod oo ah kala bar baarlamaanka.

Inta uu shirka socday duqayn ayaa socotay Muqdisho, inta la ogyahay waxaa dhimatay afar iyo toban qof konton kalena waa dhaawac sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdega.