Ra'iisal Wasaaraha oo ku gacan seyray Baarlamaanka

Raiisalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Shariif Axmed
Image caption Raiisalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Shariif Axmed

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, ayaa ku gacan seyray go'aan uu maanta baaralamaanku ku gaaray in ay Xukuumaddu kalsooni soo weydiisato baarlamaanka.

Raiisal Wasaaraha oo u warramayay BBC, ayaa wuxuu ku tilmaamay in isaga oo jooga Muqdisho, ay xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo aanuu u idman ay magaca xukuumadda ku hadleen oo ay baarlamaanka hor tageen, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in uu hore ula xiriiray Sii Hayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka una sheegay in uu Baarlamaanka hor imaan doono Sabtida.

Dhanka kale, Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu muran geliyay tirada xubnaha Baarlamaanka ee fadhiga soo xaadirtay.

Wuxuu ku tilmaamay in subaxnimadii uu Guddoomiye Xigeenku u sheegay Guddoomiyaha in aan tiro ku filan in ay fariisato aanay joogin goobta, markaasna waxaa Guddoomiyuhu ku taliyay ayuu yiri in fadhiga la soo xiro oo Sabtida la isugu yimaado madal hor leh.

Markaa waxaa la yaab leh ayuu yiri Cumar Cabdirashiid in haddana uu isla Guddoomiye ku xigeenkii yiraahdo waa la fariistay 296 cod ayaana u codeysay in Dowladdu ay kalsooni soo weydiisato.

Cumar cabdirashiid wuxuu sheegay in aanuu ka weyneyn wixii ay maslaxadda dalku ku jiro, laakiin aanuu dooneyn in uu u tanaasulo dad fawdo wada.

Xagga waxqabad la'aanta dowladda, Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay in Madaxweynuhu yahay taliyaha Guud ee Ciidanka, iyo Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka, sidaa darteedna isaga looga baahan yahay in uu ka jawaabo hawlaha xagga ammaanka la xiriira.